Hargeysa(ANN)-Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex, ayaa xayiraada ka qaaday toddoba bilood Wargeyska Foore oo ka mid ah Wargeysyada madaxa-bannaan ee ka soo baxa magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto iyo Masuuliyiinta Wargeyska Foore, ayaa ka hadlay go’aanka Maxkamadda iyo marxaladihii ay soo martay dacwaddu.

Waxayna dhammaantood uga mahad celiyeen maxkamadda go’aankeeda, sidoo kale waxay u mahad celiyeen qaraanadii difaacayay kiiska.

Garyaqaan Mubaarik Ismaaciil Cabdi, ayaa ka hadlay dhankiisa go’aanka Maxkamadda ku tilmaamay mid cadaalad ah oo ay ku faraxsan yihiin in wargeyskaa laga qaado xayiraadaa oo uu ku tilmaamay mid xaqdaro ahayd oo laga qaaday xilligan.