Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Muwaadin Farshaxan ah oo Maqaarka Xoollaha ka sameeyay Khariiradda Somaliland, isla markaana ku xardhay Tawxiidkam, ayaa xabsiga loo taxaabay, kaddib markii Ciidmada amaanku qabteen, isagoo sita khariiradda uu sameeyay.

Muwaadinka xorriyadiisa ku waayay khariiradda Somaliland ee uu hindisay oo magaciisu yahay Cabdixakiim Maxamed (Dul-qarnayn), isla markaana degan Magaalada Hargeysa, ayaa Talefishanka Bulsho uga waramay xadhigiisa iyo sababta uu ku mutaystay ee uu xorriyadiisa ku waayay.

Halkan Ka Daawo isagoo ka waramaya qaabkii loo xidhay.