araweelonews-300x168Hargeysa(ANN)Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayaa saaka ku waaberiisatay sharci iyo awaamiir cusub oo dadweynaha Magaalada ku abuuray jaah wareer. Kadib markii dadka wata Baabuurtu wadooyinka ugu muhiimsan magaalada kala kulmeen Awaamiir iyo shraci cusub oo la dhaqangelinayo.
Sharciga cusub ooh ore Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade u sheegay dhamaadkii sanadkii tegey inay wax ka bedelayaan labada Waddo ee ugu muhiimsan magaalada in sanadka csub la bedelayo qaabka gaadiidku u maraan, iyadoo Laamiga wadnaha Magaalada ee wajahada Madaxtooyadda iyo Dhakhtarka weyn hortiisa mara ay noqonayaan haad keliya oo dhinaca Galbeedka u socda, halka wadada Dhakhtarka xagiisa danbe marta ay noqonay Haad keliya oo dhinaca Bariga u socda, taas oo saaka fulinteeda ay ku waaberiisteen dadweynaha Caasimadda Hargeysa.
Subaxnimadii hore ayaa la dhigay wadooyinka Ciidamada Gaadiidka kala haga, kuwaas oo gaadiidka ku amrayay inay raacaan wadooyinka ay u tilmaamayeen, iyadoo aanay dadka intooda baddan gaadiidka wataa ka warqabin waxa soo kordhay, waxayna durbadiiba adeeceen awaamiirta la siinayay ee ciidanka nabadgelyada wadooyinka, balse xili danbe ayay gaadiidka iyo dadweynaha caadiga ah ee la kulmay awaamiirta cusub ee wadooyinka fahmeen, waxayan inta baddan dadku soo dhoweeyeen awaamiirta cusub iyo sharciga dhinaca wada marista ee wax laga bedelay oo saxmadii ka yareeyay wadooyinkaa oo inta baddan ahaa xiliyada barqadii ilaa dihurkii saxmad iyo cidhiidh.

Hase yeeshee waxa jira qaar ka mid ah bulshada oo sharciga iyo awaamiirta cusub ee wadooyinka dhaliilay, kuwaas oo ku dooday inay soo kordhinayso saxmad halkii la doonayay inay saxmadu ka yaraato, isla markaana sharciga cusub uu keenayo shilalka gaadiidka oo sii bata, iyadoo arrintaasi jaah wareer ku keenay Bulshada, “Waxan filayaa in aanay sidan ahayn sidii ay wax ku socon lahaayeen, balse waxa keliya ee ay arrintani soo kordhinay saxmadda wadooyinka oo sii baddata iyo shilalka oo sii kordha, saaka dadku waxay kusoo kaceen Askar Taraafik ah oo ka leexinay wadooyinka, amar siinay, waxayna dadku u qaateen in Madaxweynihii marayo, balse mar danbe ayay maqleen in wadooyinkii la beddelay sidii hore ee loo marayay” sidaa waxa yidhi ENG. Yuusuf Cali oo ah ganacsadaha Huteelka BilaalINN, isla markaana dalka Britain ka ahaa muddo dheer Macalin dhinaca Wadda marista ah ka ahaa London oo aqoon dheer u leh shuruucda waddooyinka.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com