Arawweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Afar Caruur ah oo saddex Ka mid ah ay dhashay Hooyo Khadra Aadan Xuseen, ayaa ku naf waayay dab xalay waaberigii qabsaday guriga ay deganaayeen oo ku yaal xaafada sheedaha ee Woqooyiga Magaalada Hargeysa.

 

Afarta Caruurta ah oo saddex Ka mid ah ay dhashay, Isla markaana kala ahaa saddex Hablood Iyo hal Wiil, ayaa ku naf waayay dabkaa, waxaana laga samata bixiyay Hooyada dhashay Caruurta Khadra Aadan Xuseen oo dhaawaceeda la keenay Cusbitaalka Hargeysa.

Qaar. ka mid ah Ehelada Qoyska dabku qabsaday, ayaa u sheegay shebekada Araweelo News Network in dabku ka kacay cilad ka dhalatay Laydha, balse weli si Madaxbanaan looma xaqiijin sababta keentay dabkaa.

“Kiiska oo dhan waxa aan saarayaa qoladan laydhka, maadaama loo yeedhay, loona sheegay shoodhka jiray oo ay u iman waayeen dumarka iyo ciyaalka, kana hagaajin waayeen xadhigii korontada ahaa, kiiskuna iyaga ayuun buu dhakadooda yahay,” ayuu yidhi Aabbaha qoyska ku gubtay guriga.

Dhinaca kale, Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo isna saxaafadda kula hadlay gudaha cusbitaalka Hargeysa, ayaa sheegay in baadhis lagu samaynayo sababta keentay dabka gubay guriga carruurta yaryar ku dhimatay.
Geesta kale, Madaxweyne Axmed Silaanyo, ayaa tacsi u diray qoyska iyo ehelka ay ka geeriyoodeen afarta carruurta ah, isagoo hooyada dabkaas ku dhaawacantayna Ilaahay uga baryey inuu caafimaad sareecan ah siiyo.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen carruurtii xalay galinkii dambe (habeenkii Axadda ee 24.09.2017) dabkii ka qarxay Xaafadda Ibraahim Koodbuur ee Hargeysa ku naf waayey, kuwaasi oo ahaa afar carruur ahi, halka ay Hooyadii dhashayna dabkaa ku dhaawacan tahay. Carruurtaasi oo lagu mgacaabi jiray:

1. Suhuur Maxamed Ismaaciil 13 jir
2. Marwo Maxamed Ismaaciil 8 jir
3. Anas Maxamed Ismaaciil 5 jir
4. Nimco Cabdi Ismaaciil 2jir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Hooyo Khadra Aadan Xuseen iyo Aabbo Maxamed Ismaaciil Daahir Jaamac, waxaanu madaxweynuhu u ducaynayaa hooyo khadra oo dhaawac ka soo gaadhay dabkaasi xalay in uu Alle caafimaad sareecana siiyo. Madaxweynuhu waxa uu qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen caruurtaasina Alle uga baryaya inuu samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, labada waalidna uu cawil celin khayr qabtana ugu beddelo,” ayaa lagu yidhi qoraalka tacsida Madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr. Xuseen Aadan Cige (Dayr).