Hargeysa(ANN)Roob dabaylo watay oo ka da,ay magaalada Caasimada Hargeysa, ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay roobka dabaylaha wàtay.

Sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ugu yaraan laba qof oo ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan inta la ogtahay 16 Qof, oo u badan dad maato ah.

Roobka ayaa sidoo kale geystay khasaare balaadhan, iyadoo guryo badan khasaare soo gaadhay, waxaana wadooyinka lagu arkay Boodhadh, ama tabeelayaal kuwa xayaysiiska ah.

Taawirda shirkadaha isgaadhsiinta ayaa qaarkood dhulka galeen, iyadoo xadhkaha Laydhku wadooyinka kusoo dhaceen, taas oo keentay in xaafadaha magaalada qaarkood, balse lama oga khasaaraha dhabta ah.