Ku Dhowaad Labaatan Qof oo dhaawac iyo dhimasho noqday

Hargeysa(ANN)-Roob dabaylo wata oo galabta ka da’ay magaalada Hargeysa, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac nafeed, isla maraakana sababay khasaaraha dhismayaal dumay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Taliyaha Ciidanka Dabdamiska Hargeysa 27 August 2019.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Taliyaha Ciidanka Dabdamiska Hargeysa 27 August 2019.

Roobka oo watay dabayl, ayaa qiyaastii 30 daqiiqo ka da’ayay inta baddan Xaafadaha Koonfur galbeed iyo Woqooyiga iyo galbeedka Magaalada.

Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi iyo saraakiisha Caafimaadka ee Cusbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan saddex qof, iyo dhaawaca 11 qof oo todoba ka mid ah ay rag yihiin iyo saddex dumar ah, kuwaas oo qaarkood yihiin dhaawacyo halis ah, sida uu sheegay Badhasaabka gobolka Maroodi-jeed.

Gaadiid soconaya intii aanu roobku xooggaysan Hargeysa 27 August 2019
Gaadiid soconaya intii aanu roobku xooggaysan Hargeysa 27 August 2019.

Badhasaabka, ayaa sidoo kale xusay in ay guro dumay jiraan, isla markaana khasaaruhu intaa ka baddan karo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa ka hadlay khasaaraha roobka, wuxuuna sheegay in 18 qof dhaawacyo kala duwan kasoo gaadheen roobkaa, wuxuuna xusay in dhibaatada ugu baddan ay sababeen Biraha Boodhadhka ee xayaysiiska lagu sameeyo iyo xadhkaha laydhka, wuxuuna ku amray wasaaradaha, Hay’addaha iyo Ciidamada ay khusayso in tallaaabo adag laga qaado, Shirkaddaha Laydhka iyo kuwa Boodhadhka Xayaysiiska si aanay dhibaatooyinkaasi usoo noqon.

Madaxweynuhu, wuxuu u mahadceliyay Ciidamada Dab-damiska iyo Booliska oo gurmad u sameeyay dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay roobkaa.

Mid ka mid ah Boodhadhka dhacay oo ku jiifsaday gaadhi Hargeysa 27, August 2019.
Mid ka mid ah Boodhadhka dhacay oo ku jiifsaday gaadhi Hargeysa 27, August 2019.

Sidoo kale, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, ayaa uga mahadceliyay Ciidamada Dab-damiska iyo Booliska inay u gurmadaan dadka shacabka ah ee waxyeelado kasoo gaadhay roobkaa.

Dhinaca kale, waxa saacado badan caweyskii hore ee caawa Magaaladu ahayd inta badan mugdi, kadib markii biraha Laydhka iyo xadhkaha dabaysan qaarkood dhulka galeen, waxayna arrintaas saamayn ku yeelatay oo hakad gelisay dhaqaaqii iyo ganacsigii magaalada, walaw dhawr saacadood kadib xaafadaha qaarkood laydhka loo soo celiyay.

Roobka oo xili ka yar saacad badhkeed socday, ayaa muujiyay sida aanay shirkaddaha Laydhka bixiyaa isaga xil saarin inay hagaajiyaan adeegyada ay bulshada u hayaan, iyadoo marar baddan oo hore dhacday in ay sababaan xadhka Laydhku khasaare nafeed, balse aanay weli waxba iska bedelin taya-xumada adeegyada Laydhka oo xadhkohooda iyo biraha lagu xidhaaba dayacan yihiin, isla markaana sababi karaan khasaare intaa badan haddii roobku saacado kooban da’o, ama roobab mahiigaan ah ay da’aan, kuwaas oo sababi kara khasaare foolxun.

Wixii kasoo kordha khasaaraha roobka kala soco shebekadda Araweelo News Network.