Araweelo News Network

hargeisa
Hargeysa(ANN)Taliyaha guud ee ciidanka Boliiska Somaliland General Cabdillaahi Fadal iimaan, ayaa ka hadlay Dhimashada sadex Caruur ah oo walaalo ah, kuwaas oo ku naf waayay kaddib markii dab qabsaday guri ay deganaayeen oo ku yaal Hargeysa.

Aabaha dhalay saddexda caruurta ah ayaa ku sugnaa guriga xiliga dabku qabsaday, waxaana laga badbaadiyay dhaawaciisa, balse Caruurta ayaa ku nafwaayay dabkaa oo aan si dhab ah loo ogayn sababta keentay.

Taliyaha guud ee ciidanka Boliiska Somaliland General Cabdillaahi Fadal iimaan ayaa warbaahinta u sheegay in saddexda caruurta ah oo ka ugu da’da weyni uu ahaa 12 sano, isla markaana kala ahaa labo gabdhood iyo wiil ay ku dhinteen dabkaa.