Hargeysa(ANN)- Wiil yar da’adiisa lagu sheegay 9 bilood, ayaa ku dhintay, kadib markii uu gubtay Guri ku yaal Xaafada Libaaxyada ee Koonfurta Magaalada Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen Ciidanka Dab-damiska Iyo Khataraha kale ka Badbaadiya Bulshada Somaliland.

Ciidanka Dab-damiska Iyo Khataraha kale ka Badbaadiya Bulshada Somaliland

Ciidanka Dab-damiska, ayaa kasoo badbaadiyay gurigaa Laba carruur ah oo dhaawacyo kasoo gaadheen dabka , kadib markii uu gurigii ay ku jireen dabku qabsaday, waxayna dhaawaca Labada Caruur ah oo Wiil iyo Gabdh ah Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo kasoo samatabixiyay soo gaadhsiiyeen Cusbitaalka Hargeysa oo lagula tacaalayo xaaladooda.

Ciidanka Dab-damiska Iyo Khataraha kale ka Badbaadiya Bulshada Somaliland
Ciidanka Dab-damiska Iyo Khataraha kale ka Badbaadiya Bulshada Somaliland


Sida uu qoraal kooban ku sheegay Xafiiska Warbaahinta ee Ciidanka Dab-demiska Caruurtan yar yar ayaa waalidkood dusha kaga sii xidheen guriga, iyadoo waliba sida ay sheegene ilmaha yar ee dhintay Lugta uu kasii xidhnaa, isla markaana ma jirin cid la joogtay waalidiinta dhalay Caruurtaa.