Araweelo News Network

Dalka Hindiya Haween Ku Caan Ah Filimada, ayaa looga yeedhay,waaxda la dagaalanka darroogada iyo mukhaadaraadka, si wax looga weydiiyo Dhimashada Atoore Hindi ah.

Alt Araweelo News Network

Xigashada Sawirka, Deepika/Sara/Shradhha/Rakul Qoraalka sawirka, Bidix ilaa midig: Deepika Padukone, Sara Ali Khan, Shradhha Kapoor iyo Rakul Preet Singh 

Warqad ay ugu yeedheyso afarta Haweenka ee jilayaasha oo kala ah Deepika Padukone, Sara Ali Khan, Shradhha Kapoor iyo Rakul Preet Singh, ayay maanta soo saartay Waaxda Xakamaynta Maandooriyaha ee dalka Hidniya.

Afartan Haweenka ah, ayaa dhammaantood loo heystaa kiis darroogo ah oo la xidhiidha geerida jilaagii lagu magacaabi jiray Sushant Singh Rajput.

Saraakiisha ka howlgala waaxdan ayaa galinkii hore ee maanta su’aalo ku saabsan isla kiiskaas weydiiyay ninka filim soo saaraha ah ee la yidhaahdo Madhu Mantena.

Mantena wuxuu qeyb ka ahaa soo saarista filimkii Bollywood-ka ee ‘Udta Punjab’, oo soo baxay sanadkii 2016-kii, kaasoo ku saabsanaa arrimaha isticmaalka daroogada.

Magaciisa ayaa kiiskan lagu soo daray kaddib markii sida la sheegay ay booliska la dagaallanka maandooriyeyaasha su’aalo weydiiyeen maamulihii dhinaca xirfadda ee Sushant Singh Rajput, oo lagu magacaabo Jaya Saha.

Haweeneydan waxaa arrimahaas xarunta waaxda xakameynta maandooriyaha looga wareysanayay labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Maalintii Talaadada ahayd ayaa loo yeedhay Karishma Prakash oo ah maamulaha Padukone iyo shakhsiyaad kale oo horay ula soo shaqeeyay atariishada.

.Alt Araweelo News Network

Xigashada Sawirka, Deepika Padukone/FB

 

Farriimo la iskula wadaagay WhatsApp-ka oo la qoray sanadkii 2017-kii ayaa lagu ogaaday eedeymo ku saabsan Padukone, waxaana la sheegay in maamulaheeda ay soo iibisay maandooriyeyaal ay mamnuuc tahay in la isticmaalo.

Padukone ayaa laga sugayaa inay xarunta baadhitaanka iska xaadiriso 25-ka bishan September. Shraddha Kapoor iyo Sara Ali Khan ayaa iyagana saraakiisha waaxda xakameynta maandooriyaha kasoo hor muuqan doona maalinta xigta ee ay taariikhdu ku beegan tahay 26-ka bishan, sida ay shaacisay warbaahinta ANI.

Waaxdan waxay baadhitaan iyo dabagal ku heysaa kiis daroogo ah oo lala xidhiidhiyay geerida Rajput.

Horaantii bishan, waxaa xabsiga loo taxaabay lix ruux oo ka soo kala jeeda Mumbai iyo Goa, kuwaasoo dhammaantood loo heysto kiiskan.

Markii ugu horreysay waxaa la qabtay nin 23 jir ah oo magaciisa lagu sheegay Karam Jeet Singh Anand ama KJ, waxaana gurgiisa laga helay xashiish iyo maandooriyeyaal kale.

Shraddha Kapoor waxaa su'aalo la weydiin doonaa 26-ka September

Xigashada Sawirka, Shraddha Kapoor Qoraalka sawirka, Shraddha Kapoor waxaa su’aalo la weydiin doonaa 26-ka September

 

Sida ay mas’uuliyiinta sheegeen, Karam Jeet wuxuu qeyb ka ahaa dadka darroogadaas ku lugta lahaa ee uu saameeyay baadhitaanka socda.

Ilaa hadda waaxda la dagaallanka maandooriyeyaasha waxay xirtay 16 eedeysane oo ay ka mid yihiin Afartan hablood oo  caanka ah ee Bollywood-ka, Rhea Chakraborty, walaalkeed Showik Chakraborty, maamulihii guriga Sushant Singh Rajput Samuel Miranda, shaqaalihii guriga Dipesh Sawant, iyo ganacsato iibisa daroogada oo lagu sheegay magacyadooda Zaid Vilatra, Abdel Basit Parihar; Kaizan Ebrahim, Karna Arora, Abbas Lakhani iyo Anuj Keshwani.

Doodaha la xidhiidha dhinaca daroogada ayaa muddooyinkii dmabe kusoo batay jilayaasha shirkadda filimada Hindiya ee Bollywood-ka, waxaana eedeymo ku saabsan isticmaalka maandooriyeyaasha loo jeediyay dad magac weyn ku leh jilista filimada.

Afarta jile, waxaa la weydiin doonaa su’aalo ku qotoma wararka ku saabsan in ay daroogo isticmaaleen.

Haddaba su’aasha la isweydiinayo waxay tahay: Ma laga yaabaa in eedeymaha isticmaalka daroogada ay burburiyaan mustaqbalka xirfadaha ee jilayaashan oo dunida iyo dalka Hindiyaba aad looga daawado filimada ay sameeyaan?

Xiggasho BBC