Muqdisho(ANN)-Haweenay u dhaqdhaqaaqi jirtay xuquuqda Aadamaha, isla markaana hore u ahayd Xoghayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Almaas Elman Cali ayaa lagu khaarajiyay oo Xerada Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Xalane, oo ku taalla Magaalada Muqdisho.


Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ehelda qoyskeeda Haweenaydan ayaan la sheegin sababta dilkeeda iyo sida ay wax u dhaceen, isla markaana xukuumadda Villa Somalia ayaan weli ka hadlin, waxaana maydkeeda laga helay gaadhigeeda.

Laetitia Bader oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa tiri “Aad bey u burbureen. Almaas waxay ahayd mid cajiib ah, diirran, go’an leh, isla markaana si heer sare ah u dooda. waxayna tacsi u dirtay hooyadeed Fartun, @IlwadElman


Almaas ayaa kasoo jeeday qoys si weyn loogu yaqaanay arrimaha xuquuqda Aadamaha, waxaana dhalay Elman Cali oo u dhaqdhaqaaqi jirtay xuquuqda Aadanaha xilligii ay dawladdii Milateriga ahayd ee Siyaad Bare dalka ka talinaysay.