London(ANN)-Haweenayda Wasiirka koowaad ee Hoggaamisa Dawladda Scotland, Nicola Sturgeon, ayaa sheegtay in Ra’iisal wasaare Boris Johnson u baahanyahay inuu waajaho xaqiiqda iyo goosashada Xisbiga Scotland (Scottish National Party (SNP) ku doonayaan inay ka go’aan Boqortooyada Midawday ee UK.


Nicola Sturgeon, waxay sheegtay in loo baahanyahay aftida loo qaadayo Scotland si ay madax-bannaanidooda u meel mariyaan, taas oo ay ku tilaantay waajibaadka ay xisbi ahaan u taagan yihiin oo ay kaga wakiil yihiin dadka Scotland. sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.


Ra’iisal wasaare Boris Johnson, ayaa markaa ka hor sheegay in aan dib loo laabanayn oo aan lagu noqonayn Afti-qaadista Scotishku ku doonayaan madax-bannaanida, laakiin Nicola Sturgeon waxay ka dib markii Scottish National Party uu ku guuleystey 48 ka mid ah 59 kursi ee baarlamaanka UK, in xisbigeeda loo siiyay ajandaha koowaad arrinta afti-qaadista Scotland.

“Kuma hayn kartid Scotland midowga, iyada oo kasoo horjeedda rabitaankeeda … Haddii Boqortooyada Midowday kasii mid ahaanay waxay noqon kartaa ogolaansho dadka Scotlan ogolaadeen oo keliya. Haddii Boris Johnson uu kalsooni ku qabo kiiska midowga markaa waa inuu ku kalsoonaadaa in ku filan inuu sameeyo kiiska, isla markaana uu dadka u oggolaado go’aankooda.” ayay tidhi, Nicola


 Si kastaba ha ahaatee Johnson, oo ay taageerayaan xisbigiisa Conservative Party oo ku guuleystay 80 kursi baarlamaan doorashadii, ayaa Nicola Sturgeon taleefanka ugu sheegay jimcihii in uu ka soo horjeedo cod kale oo madaxbanaani loogu doonayo Scotland.


.Scotland waxay u codeeyeen afti madax-bannaani ay ku doonayeen 2014 iyo inay kasii mid ahaadaan Boqortooyada Ingiriiska, laakiin waxay sidoo kale u codeeyeen aftida Brexit ee ka bixitaanka Midawga Yurub, 2016 inay sii joogaan Midowga Yurub, halka aqlabiyada Ingiriiska iyo Welsh codbixiyeyaashoodu ay taageereen ka bixitaanka Midawga Yurub.