Araweelo News Network

Mrs. Theresa May

Mrs. Theresa May

London(ANN)Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska Mrs. Theresa May, ayaa dhaliil u jeedisay dadka doonaya in aannu dalkeedu si degdeg ah uga bixin Midowga Yurub, iyadoo xustay inay ka shaqayn doonto in Britain sida ugu dhaqsaha badan xamaanteeda uga urursan doonto EU-da.
Haweenayda Ra’iisal-wasaaraha oo hadal ka jeediyey shirweyne uu yeeshay xisbiga talada haya shalay, waxa ay caddaysay in Ingiriisku hadda si buuxda uga madaxbannaanaday Midowga Yurub, waxayna tilmaantay in aanay jirin cid caqabad ku noqon karta aftidii dadweynaha UK ku muujiyeen inay ka baxaan EU-da bishii June ee sannadkan 2016.
“Kuwa ka soo horjeeda in la dedejiyo ka bixitaanka EU-da waa qaar doonaya inay dilaan xaqa dadka Ingiriiska u leeyihiin bixitaankooda, waxayna caayayaan caqliga muwaadiniinta Ingiriiska. Waxa aan u coddaynay in aannu ka baxno Midawga Yurub oo aynu noqonno dal si buuxda u madaxbannaan oo qarannimadiisa dhul ahaaneed haysta, si gaarna u maamusha,” ayey tidhi Mrs. Theresa May.
“Waxa aan samaynaa wax kasta oo uu sameeyo dalkasta oo qaran ahaan iyo dhul ahaanba madaxbannaan, annaga ayaana isku tashanayna oo go’aan ka gaadhayna sida aannu u maamulayno xakamaynta socdaalka. Waxa kale oo aannu u madaxbannaannahay in aannu diyaarino shuruucdayada noo gaarka ah.”

Ra’iisal-wasaaraha UK, ayaa sidoo kale sheegtay inay dalalka Midowga Yurub iska kaashan doonaan dhinacyada ammaanka, la-dagaalanka argagixisada iyo wada-shaqaynta hay’adaha amniga qaabilsan, waxayna tidhi; “Waxaannu soo dedejin doonnaa dhaqan-galka qodobka 50aad axdigii lagu saxeexay Lisbon (Boortaqiiska), kaasoo qeexaya in dalka ka baxaya Midowga Yurub uu qaato ugu yaraan muddo laba sanno ah, balse arrintaas waannu soo dedejin doonnaa si xilli hore aannu uga baxno EU-da.”
Dadka mucaaridka ah ayaa soo jeedinaya in qorshaha ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub marka hore laga ansixiyo baarlamaanka UK, hase yeeshee, Ra’iisal-wasaare Theresa May ayaa arrintaas gaashaanka ku dhufatay, waxayna ku doodaysaa in go’aanka dadka Ingiriiska ku gaadheen aayo-ka-tashigooda si buuxda loo meelmariyo, iyadoon wax dib-u-dhac iyo caqabad ah la gelin.