Araweelo News Network

, Angela Merkel

, Angela Merkel

Adis Aababa(ANN)Ra’iisalwasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, oo maanta booqasho ku tagtay dalka Ethiopia ayaa uga digtay masuuliyiinta dalkaa in aanay u isticmaalin xoog xad dhaaf ah dadka banaanbaxaya.

Mrs Merkel ayaa hadlaysay ka dib markii ay wadahadal kula yeelatay Addis Ababa ra’iisalwasaaraha Itoobiya oo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah Axadii.

Boqolaal qof ayaa la dilay kadib rabshado ka dhashay banaanbaxyo ay sameeyeen qaar ka mid ah dadka ugu badan waddanka.

Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa ballan qaaday in baaritaan lagu sameeyo eedeymaha ay soo jeediyeen mucaaradka ee xooga boliiska uu u isticmaalay dadka mudaaharaadaya.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Jarmalka, ayaa sheegtay inay Mrs Merkel la kulantay wakiilo ka socday mucaaradka iyo bulshada rayadka.

Mrs Merkel, ayaa doonaysa in hogaamiyayaasha Afrika ay wax ka qabtaan dadka faraha badan ee u soo haajiraya Yurub si loo joojiyo dadka qaxootiga ee Yurub imanaya.