meryharperHargeysa(ANN)Haweenayda Tafatiraha BBC-da Ee Afrika Mary Herbal, ayaa Booqasho ku Timi Somaliland, isla markaana maanta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland kulan kula qaadatay Masuuliyiin Wasaaradda Warfaafinta.

Mary Herbal oo ah, haweenay suxufiyad caan ah oo u dhalatay dalka Britain, isla makaana jecel Somaliland, waxay ujeedada booqashadeedu la xidhiidhay dhanbaal Tacsi ah oo ay u dirtay Ehelkii Iyo Qoyskii Uu Ka Baxay suxufigii caanka ahaa ee Marxuum Axmed Xasan CAWKE oo todobaadkii hore ku geeriyooday dalka Ethiopia, isla markaana lagu aasay Magaalada Wajaale ee galbeedka Somaliland oo kulaalay xadka Somaliland iyo Ethiopia.
Kulanka Mary Herbal la yeelatay masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta Somaliland halkan ka Daawo.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380