IMG_5302Hargeysa (ANN)Maareeyaha Xafiiska Samofalka Madaxtooyada Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, ayaa ka hadashay doorka Haweenka awoodda baddan ee lala xidhiidhiyo inay wax ku leeyihiin tallada Madaxtoyadda.

Marwo Aamina waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay eedaymaha siyaasiyiin ka mid ah mucaaradku ugu jeediyaan Madaxweyne Siilaanyo in aannu talada dalka kelidii gacanta ku hayn ee la wadaagaan dad kale oo ay ka mid yihiin haweenka ay xubinta ka tahay, waxayna  meesha ka saartay in Madaxweyne Siilaanyo lagu weheliyo maamulidda talada waddanka iyo in Marwadiisa koowaad wax lug ah ku leedahay go’aamada gaarka u ah Madaxweynaha ee uu ku hoggaamiyo Qaranka.

Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo shir jaraa’id ku qabatay xafiiskeeda shalay, kaas oo ay kaga hadashay arrimo kala duwan, ayuu Weriye ka tirsan Jamhuuriya oo ka qaybgalay uu wax kaga waydiiyey waxa ka jira eedaymaha lagu sheego in marwada koowaad iyo xubno kale oo dumar ahi wax ku leeyihiin hoggaaminta dalka, waxayna iyadoo  ka jawaabaysa arrintaa tidhi, “Horta dumarka cid tidhi talada way ka go’an yihiin ma jirto, waayo xisbiga KULMIYE markii la dooranayey ciddii hormoodka u ahayd ee ugu firfircoonayd waxay ahayd haweenka, markaa haweenku talada dalka way ku jiraan oo wasiirro ayey ka yihiin oo maalinta la fadhiisannayo shirka wasiirrada waa ka qayb, markaa cid tidhi dumarka taladoodu way ka maqnaanaysaa ma jirto. Haseyeeshee, Madaxweynuhu taladiisa isagaa gaar u leh, go’aankiisa, magacaabista iyo eriga masuuliyiinta cid la leh Madaxweynaha ma jirto ee dastuurka Qaranka ayaa siiyey ee cid kale oo kula labaysaa ma jirto.

Aad iyo aad ayaan u dhaleecaynayaa dadka had iyo jeer yidhaa talada madaxweynaha waa lala leeyahay, Madaxweynuhu isagaa talada leh Ilaahay ka sakow, isagaa awaamiirta dalkan iyo go’aamadoodaba leh, cid kale lama leh, cidda ku labaysaa waa cidda uu isagu u igmado ama dirto shaqada.”

“Haweenka xilalka haya ee wasiirrada ah ee agaasimayaasha ah aan ka mid ahay wixii dhaleecayn naloo soo jeediyo ee shaqadayada ku saabsan ee khalad ah waanu ogolnahay, laakiin wixii ka baxsan ee Ribo ah ma ogolin, marwada Qarankana uma ogolin oo iyadu meel allaale iyo meel ay talada dalka wax kaga qorto oo ay wax ku erido ama cid ku magacowdaa ma jirto. Marwada qaranku waxa weeye hoggaaminta hooyooyinka iyo agoomaha, waxay haysaa shaqadeedii in ka badan oo ah tabarucaadka ay u fidiso dadka jilicsan iyo agoomaha, waanay ku mahadsan tahay arrintaasi, ciddii ku dhaleecaysana waxaannu leenahay waxba kama jiraan,” ayey tidhi Marwo Aamina Maxamuud.

Waxa kaloo wax laga xumaado ay ku tilmaantay dhaleecaynta loo jeediyo qoyska iyo Marwada Madaxweynaha Somaliland oo ay sheegtay in aanay geyin aflagaadooyinka ay u jeediyaan dadka qaar iyo warbaahinta badhkeed, iyadoo ku tilmaantay hooyo qaran oo sharaf iyo karaamo mudan.

“Waxaynu ahayn dad xeeriya milgaha iyo sharafta oo yaqaan dawladnimada, maaha in qoyska madaxweynaha la dhaleeceeyo, qoyska madaxweynahu waxay xaq ku leeyihiin weliba mid dheeraad ah qaranka Somaliland, markaa maaha in qoyska madaxweynaha had iyo jeer afka lagu dhufto waa ceeb iyo wax aynaan Somaliland ahaan dhaqan u lahayn in marwada koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland la aflagaadeeyo oo waliba ragga qaarkood afka u kala qaadaan ama warbaahinta qaarkeed baahiso, runtii arrintaasi aad iyo aad ayey u xun tahay, Ribaduna if iyo aakhiraba ma wanaagsana,” ayey tidhi, waxaanay intaasi raacisay, “Marwadu waa marwo qaran waa marwadii halganka qayb laxaad leh iyaduna kala qaadatay madaxweynaha, waa marwo mutacalimad ah oo sharaf iyo karaamaba innaga mudan, waxay mudan tahay sharaf iyo hambalyo ee ma mudna in la aflagaadeeyo marwada koowaad iyo sidoo kale, marwada Wasiirka Maaliyadda oo markii hore ee ay ahayd Wasiir Waxbarashada waxqabad wayn samaysay, iminka wax badan wax badan tartay dalka. Markaa waa in iyaga iyo marwooyinka kale ee dalkaba laga daayo dhaleecaynta, beenta iyo waxa aan jirin oo waxa wanaagsan lagu taageero, wixii ka qaldama xukuumadda ileyn waa bini’aadam in lagu saxo.”

Dhinaca kale, Maareeyaha Xafiiska Samofalka Madaxtooyadu waxay hambalyo u dirtay shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadba sidii ay u maamuuseen xuska maalinta qaranimada ee 18-ka May, waxaanay soo dhawaysay khudbadii Madaxweynuhu ka jeediyey xuskan oo ay ku tilmaantay inay ahayd mid qiimo badan oo muujisay hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo.

Waxa kaloo ay soo dhawaysay wadahadalka u furmay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ee la xidhiidha khilaafkii ka dhashay muddo-kordhintii Guurtidu samaysay, iyadoo si faahfaahsan uga hadashay doorka odayaasha Guurtidu ku leeyahay Somaliland iyo waajibaadkiisa dastuurku siiyey.