booliska1Hargeysa(ANN)Ciidamada Amaanka Somaliland, ayaa heegan la geliyay, waxaana wadooyinka Caasimada ilaa shalay la arkayay Ciidamo Boolis ah oo diyaar ku ah iyo kuwo gaadiidka yar yar ku wareegaya wadooyinka, balse waxa magaalada Caasimada ah ee Hargeysa wadooyinka xaafadaha iyo kuwa hareeraha kasoo gala la dhigay Ciidamo baadhaya gaadiidka.
Lama ogga ujeedada waxybaaha ay baadhayeen Boolisku, waxayna arrintan kusoo beegantay, kadib markii 15 masuul oo u baddan Wasiiro, isla markaana ahaa xubnaha ugu tunka weynaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iska casileen ilaa shalay, iyadoo laga cabsi qabo in dhaqdhaaqyo ay sameeyaan.
Qaar ka mid ah Xubnaha is casilay, ayaa u kala baxay Magaalooyinka Burco, Gebilay iyo Boorama, waxaana maanta la filayay inay sameeyaan banaanbaxyo ay ku muujinayaan taageeradooda iyo mawqifkooda is casilaada, balse waxa baaqday banaanbaxyadaa oo la filayay inay ka dhacaan Hargeysa iyo Burco.

Hase yeeshee, iyadoo xubno kale maanta isla casileen xukuumadda, isla markaana Madaxweyne Siilaanyo qaybo ka mid ah xilalkii ay baneeyeen masuuliyiinta is casilay, ayaa la arkayay Ciidamo Boolis ah oo ka baddan kuwii shalay la dhigay wadooyinka, kuwaas oo gaaf-wareegayay wadooyinka halbowlaha iyo xaafadaha magaalada Hargeysa.

Baadhitaanada ay Boolisku wadeen caawa oo aan si dhab ah loo ogayn waxa looga jeedo, ayaa sababay in caawa ay Boolisku qabtaan gaadiid yar yar oo qaarkood sidaan dad tahriibayaal dhinaca Ethiopia laga keenay oo loo waday dhinaca Boosaaso iyo gaadiid kale oo qaarkood la rumaysan yahay inay sideen mukhaadaraad.

Badhitaanada baabuurta, ayaa ka socday dhinaca wadada afaafka hore ee Wasaaradda Maaliyadda oo ah wadada halbawlaha ee hormarta Madatooyadda Somaliland iyo wadooyin kale oo aan xiliyada Boolisku sidan oo kale u wadaan hawlgalo looga baran inay istaagaan, ama baadhaan gaadiidka maraya.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380