liyuu boolis
Buuhoodle(ANN)Hawlagal Ciidamo Ethiopian ah oo kasoo gudbay xuduuda Somaliland la wadeegto Ethiopia ee dhinaca magaalada Buuhoodle, ayaa fashilmay. Kadib markii hawlgalkaa oo sida ay warar ka imanaya deegaanku sheegayaan la doonayay in lagu qabto macalin Milcaamad deegaanka Buuhoodle ah ka dhiga Quraanka.
Hase yeeshee Isku deygaas ayaa fashilmey iyadoo macalinkiina uu meesha ka baxsadey. Haweeney ayaa la sheegey in goobtaa ku dhaawacantey, waxaana dhaawaceediina loo qaaday dhinaca magaalada Garowe sida uu Idaacada VOA u sheegey Cabdiraxman Cabdullaahi Axmed oo lagu naanayso “Afweyne”

Lama garanayo sababta keentay hawlgalkaa fashilmay ee Ciidanka Liyuu Boolis ee Kililka Shanaad ee Soomaalida Ethiopia kusoo qaadeen gudaha xadka Somaliland, iyadoo aanay xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo weli ka hadlin arrintaa, balse marar baddan ay Ciidanka Liyuu Boolis sidan oo kale hawlgalo aan ujeedadooda la fahmin ka fuliyaan gudaha Somaliland, kuwaas oo qaarkood ay sababaan inay isku dhacaan dadka deegaanka, isla markaana khasaare ka dhagasho.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews