xubnaha golaha dhexeHargeysa (ANN) Hawsha Diiwaangelinta xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ayaa gashay maalintii lixaad. Kadib markii Sabtidii aynu kasoo gudubnay laga bilaabay qaadashada Kaadhadhka ee xubnaha golaha xarunta guud ee xisbiga oo ku taal magaalada Hargeysa.
Waxaana la diiwaangeliyay Aqlabiyadda xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, kuwaas oo la diiwaangeliyay si loogu sameeyo kaadhadh cusub oo ay kaga qaybgali doonaan shirka lagu dooranayo musharaxiinta doonaya inay ku tartamaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee lagu dooranayo shirka golaha dhexe ee loo mudeeyay 10 November 2015.

Muuqaalka xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo la diiwaangelinayo 21 Oct 2015

Muuqaalka xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo la diiwaangelinayo 21 Oct 2015


Xoghayaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Mr. Mustafe Maxamed Yoonis (Waxdad) oo ka mid ah hawlwadeennada ka shaqaynaya diiwaangelinta oo la waday muddo shan maalmood ah, ayaa sheegay in la dhammaystiray inta badan xildhibaannada golaha dhexe ee xisbiga oo tiradiisa guud tahay 401, loona samaynayo kaadhadhka aqoonsigooda.
Mr. Mustafe Waxdad oo waqti uu ku gudo jiray shaqada diiwaangelinta xubnaha golaha dhexe maanta u warramay warbaahinta, waxa uu yidhi, “Hawsha diiwaangelinta xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ee ka qaybgalaya shirka 10-ka November oo loo samaynayo kaadhadhka aqoonsiga si fiican bay noogu socota, ilaa hadda waxaannu sawirro ka qaadnay 252 xubnood. Waxaannuna ugu baaqaynaa oo leenahay inta dhiman xubnaha ku jira golaha dhexe ee xisbiga, inay shanta maalmood ee noo hadhay ee aannu shaqadan ku jirno ay si degdeg ah u yimaadaan xarunta xisbiga si loogu sameeyo kaadhadhka ay ku gali lahaayeen shirka.”

liiska golaha dhexekulmiye1
Xoghayaha oo wax laga waydiiyey liiska golaha dhexe ee ay diiwaangelinayaan, inay jiraan wax-ka-beddel ay ku sameeyeen iyo inay dhinacyada tartamayaa ka wada qaybgalayaan is-diiwaangelinta, waxa uu yidhi, “Liis annagu aannu qoranay ma jiro ee liiskani waa kii ka soo baxay shirweynihii xisbiga ee u dambeeyey oo yaal hay’addaha ku shaqada leh ee Maxkamadda Sare, Komishanka Doorashooyinka iyo Xeer-ilaalinta, wuu wada saxeexan yahay oo guddigii saxeexay waataa lix xubnood bay ahaayeen oo Wasiir Cadami guddoomiye u ahaa, markaa annagu wax aannu ku kordhinayno iyo wax aannu ka beddelaynaa ma jiro. Xubnaha golaha dhexe way yimaadeen oo way socotaa, wax laba garab kala ahi ma jiro ee waa isku xisbi keliya, liiskana way ku qanacsan yihiin, waxaannu iswaydaarinayno iyo wax aannu meel ka saaraynaa midna ma jiro.”
Mar la waydiiyey inay jiraan xubno ka baxay xisbiga oo weli ku jira liiska, waxa uu ku jawaabay “Haa, way jiraan oo tusaale ahaan Siciid Cilmi Rooble wuxuu ahaa mudanayaashii xisbiga ee Golaha Wakiillada ee golaha dhexe kaga mid noqday maamuuska xildhibaannimo, wuu ku jiraa liiska, laakiin ma beddelayno oo meeshiisii ma buuxinayno oo way bannaanaan doontaa, waayo sharciga ayaan u ogolaanayn in cid kale beddesho, maadaama uu xil ku helay xubinimda, xildhibaan kastoo hore uga mid ahaa golaha dhexe oo ka baxayna la mid buu noqonayaa.”
Dhinaca kale, siyaasiga Xasan Mawliid Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha haweenka Marwo Amaal Xaaji Miisaan oo labadooduba ka mid ahaa xildhibaannada golaha dhexe ee is-diiwaangelinayey xilliga warbaahintu waraysanaysay xoghayaha, ayaa ka hadlay dareenkooda oo ay soo dhaweeyeen.
“Waxaan ku faraxsanahay in anigoo ka mid ah golaha dhexe ee KULMIYE oo aan ku soo galay liiska xubnaha Guddoomiyaha xisbigu soo magacaabay ee sharcigu siiyey is-diiwaangeliyo, waxaannan u soo jeedin lahaa dhammaan inta golaha dhexe inay qaataan kaadhadhkooda, qof waliba waxa uu doonayo ha aaminsanaado, laakiin in xubin kastaa kaadhkeeda aqoonsiga golaha dhexe gacanta ku haysto khalkhalkii dhacay markii la qabanayey shirweynihii u dambeeyey ee xisbiga,” ayey tidhi Amaal Xaaji Miisaan.
Dhinaca kale waxa maanta lasoo gebagebeeyay khilaaf ka dhashay bilawga hawshan iyo qorshaha shirka golaha dhexe oo ay musharixiinta ku tartamaya qaarkood sheegeen in aanay raali ka ahayn, isla markaana ku tilmaameen mid sharciga xisbiga baalmarsan, balse muranka iyo khilaafka ka dhashay arrimahaa ayaa maanta si wadajir ah ay ugu dhawaaqeen dhinacyadu in laga heshiiyay oo ay hawsha qabanqaabada shirku sidaa ku soconay.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews