New York(ANN)-Xanuunka Coronavirus, ayaa baroosinka dhigtay Dalalka qaarada Yurub, sidaana waxa shaaca ka qaaday Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.


Dhawaaqa xilligan ee Hay’adda WHO, ku sheegtay in Yurub ay tahay xuddunta xanuunka coronavirus ee uu baroosinka dhigtay, ayaa kusoo beegantay, iyadoo dalal badan oo dunida ah la tacaalayaan sidii ay u xakameyn lahaayeen faafitaanka firiska Coronavirus, kuwaas oo dhammaantood xayiraad saaray xuduudahooda iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiyada.

Sidoo kale, hadalka ay shaacisay WHO ayaa kusoo beegmay, iyadoo tirada dalalka Yurub ee fayriska Coronavirus haleelay iyo dadka u dhimanayaa ay sii kordhayaan marka loo eeggo dalalka dunida kale.


Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ah Madaxa WHO, ayaa sheegay in qaaradda Yurub ay haatan soo werinayso “kiisas iyo dhimasho ka badan isu-geyn dunida inteeda kale, marka laga reebo dalka China.”

Wuxuu ku tilmaamay “dhacdo naxdin leh”, isaga oo ka digay in aannay suurtagal ahayn in la sheego xilliga Fayrasku uu hoos u dhici doono Adduunka oo dhan.

Nations in Europe reporting cases of COVID-19 (as of Mar 13) represented in RED.
Nations in Europe reporting cases of COVID-19 (as of Mar 13) represented in RED.

Tan iyo markii Coronavirus ka dillaacay dalka China bishii December ee sannadkii hore, in ka badan 143,400 oo kiis oo bukaano uu haleelay, sida ay soo warisay wakaaladda wararka ee AFP. oo shaagtay inay tiradaasi tahay 135 dal oo dunida ah.

Dadka uu Cudurkani dilay, ayaa marba mara ka danbaysa sii kordhaya, waxayna haatan maraysa dhimashadu in ku dhow 5,500 oo qof.

AKHRI: Ethiopia, Kenya Iyo Sudan Oo Xaqiijiyay Coronavirus Iyo Saraakiil Midawga Yurub Ee Soomaliya Oo La Karantiimeeyay

Wadamada uu cudurkani dhibaatada ugu daran ku hayo ayaa kala ah China oo ay ku geeriyoodeen 3,176 qof, balse hada kasoo kabtay markii ay si weyn ula taacaaleen, Talyaaniga oo ay ku geeriyoodeen 1,266 qof, isla markaana uu weli si weyn u dhex xulayo Fayriska Coronavirus, iyo Iran oo ay ku geeriyoodeen 611 qof, walaw ay si weyn ula tacaashay dagaalka ay kula jirto Coronavirus.

AKHRI: Hoos U Dhacii U Weynaa Saliida, Saamaynta Saamiyada Seyladaha Dunida Oo Balaayiin Ku Waayay Iyo Sababaha Keenay