Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland ayaa soo qaban qaabisay shir ballaadhan oo ay maanta isugu yimadeen dhammaan daneeyeyaasha horumarinta waddooyinka Somaliland.

Shirkaas oo ka dhacay hoolka Jamacada Hargaysa,  waxa lagu daahfuray barnaamij cusub oo lagu dardargelinayo dib-u-habayna lagu samaynayo hannaanka horumarinta waddooyinka Somaliland iyadoo ay barmaanijkaas kala kaashan doonaa Jaamacadda Hargeysa iyo ururrada bulshada rayidka ah. Waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Gadiidka iyo Horumarinta Wadooyinka Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, Maareeyaha Ha’yadda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Md. Cusmaan Sheekh Cabdi Sh. Maxamed, guddiyada deegaano kala duwan oo ka shaqeeya dhisidda iyo horumarnta wadooyinka, ururrada bulshada ee la shaqeeya Hay’adda waddooyinka, injineero iyo dadka kalae ee deneeya horumarinta waddooyinka sida ganacsatada.

Wasiirka Wasaarada Gadiidka iyo Horumarinta Waddooyinka, Md Cabdillaahi Abokor Cusmaan oo furay kulankaa,  ayaa sheegay in muhiimada kulanka oo ku timaamay wadashi , xog kala qaadasho iyo aasaaska bilow wadan shaqayn togan oo mustaqbalka ah.

Waxa uu mahadnaqay gudidiyada wada wadooyinka kala duwan isga oo sheegay in xil culus oo saarnaa ay qayb ka fududaynayaan isla markaan uu soo dhawaynayo in ay wada shaqayn dhow yeeshaan.

Wasiir Abdilaahi ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Abdi oo dhamaan wasiirada ku maray in ay Jamacadaha dalka iyo cid u aqoonta leh ay kala tashadaan wixii mashkilad taagan.

Sidoo kale, waxa  ka hadlay Maareeyaha Ha’yadda Waddooyinka Somaliland, Md. Cusmaan Sheekh Cabdi Maxamed. Waxa uu sheegay in ujeeddada shirku ay tahay sidii Ha’yadda waddooyinku iyo dhammaan daneeyayaasha horumarinta waddooyinku ay wada shaqayn joogta ah oo ku dhisan wadatashi iyo isku-tiirsanaan loo wada yeelan lahaa.

Maareeye Cumaan Sheekh Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in hay’adda waddooyinku ay dooratay in ay kulan iyo kuwa la mid ahba ku qabato Jamaacadda ay tahayna in la isku xidho aqoonta iyo adeegyada bulshada loo qabanayo. Waxa uu sidoo kale sheegay Madweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee dhammaan madaxda kale ee dawladda ku amray in aqoonta iyo adeegyada la isku xidho.

Md. Cusmaan ayaa sidoo kale ku baaqay in qurbo joogta Somaliland ay ka soo qayb qataan horumarinta wadooyinka wadanka oo ay iska day’aan canaanta iyo hadal aan waxba tarayn,  wuxuuna ku amaanay guddiyada ka shaqeeya horumarinta iyo dhisida wadooyinka howsha muhiimka ah ee wadankooda u hayaan. Waxa ku booriyey in ay aqoon ahaan, farsamo ahaan iyo wada tashi ahaanba ku xidhnadaan Ha’yada wadooyinka Qaranka si waxa ay qabanayaan uu u noqdo mid mido badan laga fa’iidaysto. Waxa uu sidoo kale u balan qaadayn in wixii karan kooda ah ay kala qaban donaan dhanka qalabka iyo kharashaadka kaleba.

Guddoomiyaha Jamacada Hargaysa, Dr. Maxamuud Yuusuf ayaa sheegay in Jamaacadaha dalku ay diyaar u yihiin in ay aqoon, cilmi baadhis iyo wixii looga baah daba ay diyaar ula u yihiin dhamaan dadka ku howlan in gaadhsiinta adeegyada ay bushadu u baahan tahay.

Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay xubno ka socday Gudiyada isku xil-saaray horumarinta iyo dhisida wadooyinka. Waxaa goobtaas ka hadlay gudiyada gacanta ku haya wadooyinka; Badli-gubadle, Ha’yada ASARDA ee gobolada awadal iyo Sala ka howl gasha, gudida wadooyinka g in wada shaqayn dhow isla markaan joogto ah ay la yeeshaan Ha’yada wadooyinka. Waxa sido kale ku amaneen gudoomiyaha ha’yada wadooyinka Mr. Osman Sheikh Abdi kulan qurux badan ee u qabtay iobolka sool, iyo gudida wadada kalabaydh. Dhamaan waxa ay sheegeen sida ay muhiim u tahayyaga oo u soo jeediyey in uu joogteeyo kulanada noocan oo kale ah.

Madax kala socotay Ururaka Wadaniga ah ee Somaliland Y-PEER iyo Ha’yada Care interantional ayaa iyagu ku amaanay Gudoomiyaha Ha’yada wadooyinka Osman Sheikh Abdi sida wacan oo cid kasta albaabada ugu furay isla markaan uu ula tashanayo dadweynaha wadooyinka ka faa’iidaysanaya iyo Gudiyada ku howlan horumarunta wadooyinka.

Abdiaziz Hersi Warsame, oo ka socday Hay’ada Wadniga ah ee Somaliland Y-PEER oo kaa kaashanaysa Hay’ada GIZ ayaa sheegay in ay Hayada wadooyinka kala shaqaynayaan sidii loo dhaqan galin lahaa xeer-ka xakamaynta baabuurta qaada rarka ka badan intii sharcigu u ogol yahay.

Abdiaziz waxa uu sheegay in Gadiidka qaada rarka xad dhaafka ah ay waxyeelo badan u gaystaan wadooyinka sidaas darteed-na loo baahana yahay in darawalada, dadka leh gadiida iyo dhamaan daneeyayaasha kaleba lagu baraarujiyo qodobada iyo waxa uu ku waajibinayo xeerku.