Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland ayaa gaadiidka gurmadka degdega ah ku wareejiyay Wasaaradda caafimaadka ee Somaliland.
Gaadiidkan oo ahaa 2 Gaadhi oo nooca Ambalaaska  ah, ayaa loogu tala galay in loogu adeego bulshada Somaliland ee caafimaadka u tabaalaysan iyo dadka qaxoontiga ah ee dalka dibada uga yimaada.

Guddoomiyaha Hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Cabdikariin Axmed Maxamed (xinif) ayaa gaadiidkaasi siwada jir ah ugu wareejiyay Wasiir ku xigeenka iyo Wasiirka horumarinta caafimaadka.

Ugu horayntiina waxa halkaasi ka hadlay Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif oo waramay gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee uu ku wareejiyay masuuliyiinta horumarinta Caafimaadka. “waxan halkan ku waree jinaya 2-ba gaadhi oo kuwa caafimaadka ah waxa aanu ka helay hay’adda UNHCR, ee qaxoontiga looguna talagalay qaxoontiga Gobolka Maroodi-jeex siiba degmada Hargeysa, iyo Gobolka Saaxil.
Wixii wadanka yimaada waa hanti dalku leeyahay waxana gaadiidkan awood buuxda uleh wasaaradda caafimaadka oo wadanka oo dhan ayay ka shaqayan karaan, qaxoontigana sigaara ayay ugu shaqaynayaan, kuwa wadankeenu waa barakacayaal ee qaxoontigu waaka ka ymid Yaman, Suuriya,Itoobiya ama Soomaaliya” Cabdikariin (Xinif)

Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta Caafimaadka oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay masuuliyiinta Hay’adda qaxoontiga sheegayna in masuuliyad dheerada ay iska saari doonaan daryeelida gaadiidkaasi caafimaad.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan yuusuf Ismaaciil, ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan baahiyo caafimaad oo badan gaadiidkanina wax wayan ka tari doono “ Labadaasi gaadhi bulshada ayay u shaqaynayaan balse waxay sigaara ugu suntanyihiin qaxoontiga Somaliland jooga, baahida caafimaadka ee wadanku aad ayay u badantahay, waxaanu balan qaadayna in labadan gaadhi sida ugu wanaagsan loogu shaqeeyo oo aanay cidlana ku baabin, dayactirla’aan u xumaanin, dadkoodii markay u baahdaana aan la waayin, waxan idiin sheegaya in gaadiidkaas wax kasta oo qalab ahi u dhanyahay oo looga baahna gurmadka degdega ah, way cusub yihiin oo intii ay Berbera ka soo socdeen uun bay socdeen,waxanu ku dedaali doona in ayna dayac arag.Waxan rajaynaya inaanan aniga ama wasiir ku xigeenku ku tamashlaynin, shaqaaluhu ku tamashalaynin, inaanu inta ugu dheer ee gaadiidkaasi shaqayn karo ka shaqaysiino.