Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)/Gudoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md Sharmaake Axmed Muxumed Geelle, ayaa maanta Go’aan uu soo saaray ku faahfaahiyey go’aan deraasad ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ka soo samaysay Jaangoynta Habeen-Dhaxyadda Shaqaalaha Dawladda, go’aankaasi oo Xuquuq ahaan iyo la xisaabtan ahaanba wax weyn ka bedeli doona hiilna u noqon doona shaqaalaha dawliga ee ka hawlgala Hay’addaha dawladda iyo kuwa Caalamiga ahba.

Gudoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md Sharmaake Axmed Muxumed Geelle Go’aankan cusub ee shaqaalaha dawladda Somaliland khuseeya ee uu soo saaray wuxu u dhignaa sidan.

“Kadib muddo badan oo shaqaalaha dawladdu gali jireen safaro dalka gudihiisa ah isla markaana aanay jirin jaangoyn sax ah oo gobol walba loo siiyo habeen-dhax isugu jira cunno iyo seexad

– Kadib markii ay cadaatay in ay lagama maarmaan tahay in loo sameeyo jaangoyn ku salaysan xaqiiqo iyo xog-ururin

– Kadib markii aan ka war helnay in hay’adaha dawliga ah ama hay’adaha caalamiga ah ee ay la shaqeeyaan shaqaalaha dawladu isugu jiraan kuwo u badiya iyo kuwo bakhsaba

-Kadib markii aan shirar joogto ah oo maalmo qaatay arintaa ku lafa-gurnay

– Kadib markii aan ku qanacnay in ay lagama maarmaan tahay in habayn, horumarin iyo hiil ba loo sameeyo shaqaalaha dawladda

– Waxaan go’aansanay in aanu soo saarno jaangoyn sax ah oo shaqaalaha dawladda ee shaqo ugu baxaya goboladu habeen dhex u qaataan

– Go’aankan wuxuu shaqayn doonna muddo laba sanno ah 2018-2019 iyada oo jaan-goyntaas dib u eegis lagu sammayn doono labadii sannadoodba mar.

Haddaba, markii aan daraasad ku samaynay qiimaha huteelada, cimilada iyo maceeshada gobolada kala duwan ee dalka waxaanu soo saarnay qiimo sax ah.

– Qiimayntan waxa maanta si rasmi ah loogu gudbiyey Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo dhamaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee ay khusayso si ay u dhaqan geliyaan.

– Shaqaalaha doona in uu faahfaahin arintaas ka helo fadlan ha kala xidhiidho Wasaaradda ama hay’ada dawladeed ee uu ka hawl galo sida oo kalena hadii uu xog dheeraad ah doonno wuxuu ka heli karaa hay’adda shaqaalaha dawladda

Gudoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md Sharmaake Axmed Muxumed Geelle