New York(ANN)-Hay’adda  caalamiga ah ee xuquuqda  Aadamaha u dooda ee Amnesty International, ayaa ugu baaqday Xukuumaddda Somaliland  inay  si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah xabsiga uga sii dayso saddex muwaadin oo u xidhan, kuwaas oo kala ah, Cabdimaalik Muuse Coldoon, Jamaal Cabdi Muxumed iyo Maxamed Sidiiq Dhamme.

Hay’adda, ayaa baaqa ay kaga hadashay muwaadiniintaa, ku tidhi, sidan: –

“Intii u dhaxaysay 17-kii April iyo 1-da bisha May ee Sannadkan, waxay Masuuliyiinta Somaliland Xidh-xidheen Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon, Hoggaamiyaha dhallinyarada xisbi Mucaarad ah Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Jamaal Cabdi Muxumed oo shaqaale ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Saddexdoodaba waxa Xadhiggooda loo cuskaday inay Baraha Bulshada ku baahiyeen Qoraallo loo arko inay khatar ku yihiin Dawladda Somaliland iyo Masuuliyiinteeda, sida ay sheegtay Hay’adda u doodda xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International.

Amnesty International oo si toos ah Qoraal ugu dirtay Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa sheegtay in Cabdimaalik Muuse Coldoon oo 17-dii Aprill laga soo xidhay Magaalada Burco, laguna eedeeyay inuu Facebook-ga ku dhaleeceeyay Madaxweynaha, sidoo kalena Borobagaando lid ku ah Somaliland iyo Warar been ah oo ku saabsan Dugsiga Abaarso uu ku baahiyey, xilligana uu ku xidhan yahay Jeelka dhexe ee  Hargeysa.

Amnesty International, waxay sheegtay Jamaal Cabdi Muxumed oo shaqaale ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xafiiskiisa laga soo xidhay 24-kii Aprill, iyadoo lagu eedeeyay inuu Facebook-giisa ku dhaleeceeyay habacsanaanta shaqada Ciidammada Booliska, sidoo kalena eedaha Amnesty International sheegtay in loo haysto Jamaal waxa ka mid ah inuu Aflagaadeeyay Sarkaal Booliska ka mid ah.

Jamaal hadda wuxuu ku xidhan yahay Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, sida hay’addu sheegtay.

Maxamed Sidiiq Dhamme oo ah Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo Gurigiisa Hargeysa laga xidhay 1-dii Bishii May ee sannadkan, 2019.

Dhamme oo Facebook-giisa ku Cambaareeyay Xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogay Degmooyin Gobolka Sanaag ka mid ah, ayaa 8-dii June lagu eedeeyay inuu meel kaga dhacay sharafta Madaxweynaha. 27-kii June ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex waxay ku heshay dambi ah inuu gefay sharafta Madaxweynaha, waxaana lagu xukumay lix bilood oo xadhig ah.

Hay’addu waxay sheegtay in saddexda Xubnood ee xidhan dhammaantood qabashadooda aan loo soo qaadan Waaran qabasho ah, Maaddaama oo qodobka 25-aad ee Dastuurku uu amrayo in Qofka boolisku xidhayo uu u soo qaado Waaran Qabasho ah oo Maxkamad ka soo baxday, ka hor inta aan la xidhin.

Hay’adda Amnesty International waxay ku baaqday in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo soo daayo Cabdimaalik Muuse Coldoon, Jamaal Cabdi Muxumed iyo Maxamed Sidiiq Dhamme.