Araweelo News Network

Saleebaan Cali Koore

Hargeysa(ANN)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Cali Koore, ayaa ka hadlay heerka biyo la’aanta ee ka taagan magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo sidoo kale caqabaha taagan ee ay Wasaaradda Biyuhu u baahan tahay inay wax ka qabato.

Wasiir Saleebaan Cali Koore oo lagu ansixiyey fadhigii  ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu ugu horayn iftiimiyey sida ay biyuhu muhiim ugu yihiin nolosha iyo horumarka bulshooyinka, waxaannu yidhi; “Waa wasaarad dalka, dadka, beeraha iyo ummaddaba u muhiim ah oo sida aad ogtihiin uu Ilaahay yidhi; ‘Biyaha wax kasta waannu ku noolaynay.’ Haddii biyo la’aani dhacdana aannu dalka iyo dadkuba waqti yar noolaan karin.

Runtii wasaaraddan mas’uuliyadda saarani mas’uuliyad yar ma’aha. Waxaan Golaha Wakiillada uga mahadnaqayaa inay dhawaan ansixiyeen aniga oo ku jira Xeer Lr 49/ oo wax-ka-beddel ku sameeyeen, taas oo mas’uuliyaddii wasaaradda wax badan isu keenaya oo ay wasaaraddu hore runtii u kala qeybsanayd oo siyaabo gaar gaar ah maamulkeedu dalka uga jiray.”

Wasiir Saleebaan Cali Koore, ayaa sidoo kale ka hadlay caqabadaha kala duwan ee horyaal Wasaaraddiisa, waxaannu yidhi; “Wasaaraddan caqabado badan ayaa horyaalla ay ka mid tahay mas’uuliyadda biyaha, waxa aad iyo aad u baahday in qofkastaaba biyaha hoose uu qoto, intaas sharcigaas wax lagu xakameeyo oo badanina ma jirin. Waxa jirtay khayraadkaas biyaha in nin kastaaba meesha uu rabo riig ka taago. Waa waxa aan rabo aniga oo siyaasiyiin ka duulaya sharcigaas inay noqdaan biyaha gudaha ku jiraa, dastuurku waxa uu qorayaa, wax kasta oo dhulka hoostiisa ah waxa leh qaranka.

Sidaasi daraadeed, in aannu arrimahaasi joojino ayaa ugu mudan dadku ceelasha ay qodayaan iyo riiggaagaas bilaa fasaxa ah waa arrinta ugu weyn ee dhib ku haysa wasaaradda. Aniga oo ka duulaya sharcigaas dariiqa waddada sharciga marno ayaannu rabnaa.”
Sida aad ogtihiin dhammaan magaalooyinka waaweyn biyo ku filan ma helaan

1. Hargeysa marka laga bilaabo boqolkiiba lixdan (60%) ayaan biyo helin.

2. Meesha la yidhaahdo Boorama, dadku biyaheeda wuu helaa, laakiin waxa ku jira alarm (digniin ka dayrinaysa) oo la leeyahay biyihii gudaha ku jiray waa dhammaanayaan.

3. Berbera oo kulayl badan ka jiro hanaankeedii biyuhu weli ma fadhiyo, laakiin master plan (qorshihii) iyo in biyaha la kordhiyo ayaa hay’ado, dawlado iyo xukuumaddaba wadaan.

4. Dalka waxa la yidhaahdaa Burco ayaa ugu biyo badan oo biyaheedu waa dhaw yihiin, waanna la heli karaa oo waa diyaar mar walba.

5. Laascaanood biyaba maba jirto oo wax biyo ah maba laha.

6. Ceerigaabo biyaheedu way fiican yihiin, laakiin waxay u baahan yihiin in la horumariyo,” ayuu yidhi Wasiirka Khayraadka Biyuhu.
Waxaannu intaas ku daray; “Marka lixdii magaalo ee ugu waaweynaa ay sidaa yihiin, waxaad garan kartaan in dalka intiisa kalena biyuhu halka ay ka marayaan iyo helitaan la’aanta ka jirta. Aniga oo taageero ka filaya Xildhibaannadii aan hore uga mid ahaa ee Golaha Wakiillada, xukuumadda iyo shacbiga Somalilandba, waxa aannu jecel nahay in magaalooyinkaas waaweyn dhammaantood hadda master plan (qorshe) ayaa loo sameeyey inay biyo nadiif ah helaan ayaa qorshaha noogu jira.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland anigu wasaaradda oo dhan ayaan u geeyey, waannu ka wadahadalnay qaabka iyo sida wasaaraddu iyo sida uu dalku yahay, sababta oo ah xisbiga KULMIYE ee aannu ka mid nahay qaarkayo ee saaxiibadayda ah, wax badan waxa lagu ololeeyey dhinaca biyaha, sidaasi daraadeedna biyihiina in dadkii helaan waa in aannu siyaasad ka yeellanaa.”

“Sidaasi daraadeed, waxaan ku dedaalayaa inta aan joogo bal magaalooyinka waaweyni inay helaan biyo, kuwa baadiyaha iyo tuulooyinkuna ay iyaguna biyo ku filan helaan.

Siyaasadda guud ee aannu qaadanay ee aannu rabno inaad nagula shaqeysaan waxa kaw ka ah in la qabto biyaha sare ee roobka, waxa dalka dhaafa biyo xad-dhaaf ah oo qayrul-caadi ah oo dhulka kor orda oo badda ku darsama. Siyaasadda uu Madaxweynuhuna nala qaatay xisbiga KULMIYE, aniga, iyo aqoontuba sheegaysaana, waxa weeye dalku biyo heli maayo haddii aan biyaha sare la qaban,” ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Cali Koore.