Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Wed, Oct 21st, 2015

Heshiis Laga Gaadhay Khilaafka Xisbiga KULMIYE

Guddoomiye Muuse Biixi

                            Guddoomiye Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)khilaafka Xisbiga Xukuumadda ee KULMIYE oo maalmihii u danbeeyay si weyn looga dareemayay saaxada Siyaasada Somaliland, ayaa laga gaadhay heshiis ay si wadajir ah u shaaciyeen dhinacyada ku loolamaya musharxnimadda shirka golaha dhexe ee lagu soo dooranayo musharaxiinta u meleli lahaa Xisbiga doorashada Madaxtooyadda ee 3 April 2015.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan hoggaanka xisbiga, laba ka mid ah musharixiinta iyo xubno ka tirsan golaha Wasiiradda, ayaa saxaafada kula hadlay goor dhowayd xarunta guud ee xisbiga, waxayna si wadajir ah u sheegeen in lasoo afjaray khilaafkii xisbiga.

Muuqaalka Madasha lagaga dhawaaqay in lasoo afjaray khilaafkii xisbiga KULMIYE

Muuqaalka Madasha lagaga dhawaaqay in lasoo afjaray khilaafkii xisbiga KULMIYE Oct, 21 2015

Guddoomiye Muuse Biixi oo ay hareera fadhiyaan Guddoomiye ku xigeenka koowaad, labaad iyo sadexaad iyo sidoo kale musharixiinta kala ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Kijaandhe iyo Afhayeenka Xukuumadda Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa sheegay in kulan ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo kadib ay isla qaateen in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhashay waxyaabaha ay tirsanayeen musharxiinta doonaya inay ku tartamaan shirka golaha dhexe. Sidaa awgeed, wuxuu u mahad celiyey guddoomiye Muuse saaxiibada khilaafku dhexgalay, isagoo sheegay in hadda wixii ka danbeeya sidii wadajir loogu wada jeesan lahaa dhinac ee gamcaha laysu qabasan lahaa laga shaqaynayo, isagoo ku tilmaamay arrintaa mid farxad weyn u ah taageerayaasha xisbiga, balse ay cadawga xisbigu ka naxayaan.
“Arrintii yarayd ee anaga iyo saaxiibadayo noo dhaxaysay ee saxaafadu marba si u waday waa lasoo afjaray, waxaana idiin sheegayaa in xisbiga KULMIYE yahay xisbi dumuqraadi ah oo ka bixi kara khilaaf iyo wax walba oo soo kala dhexgala, waxaana iyadoo gamcaha lays haysto la qabanayaa tartankii doorashada ee shirka golaha dhexe, wixii kalena Wasiirka warfaafinta Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka hadlaya” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

Wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa sheegay in aan waxba laga bedelin hawshii shirka golaha dhexe, isla markaana aanay jirin guddi Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay, balse hoggaanka hawshii ay wadeen sideedii u soconayso oo ay hawsha guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo hoggaanka kale maamulayaan, balse marjac uu noqonayo la taliye ahaan Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami. sidaa awgeedm wuxuu sheegay Cabduulaahi Cukuse in uu arrintaa uga mahad celinayo Madaxweynaha Somaliland oo sida uu sheegay hawshaa ka odayeeyay. sidaana raali laga wada noqday oo lagu soo afjaray khilaafkii.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo ka  mid ah musharixiinta iyo musharaxa kale Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa soo dhoweeyay heshiiskaa, waxayna madasha ka sheegeen inay ku qanacsan yihiin arrintaa.

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp