Madaxweynaha iyo Hoggaamiyaasha Xisbiyada Muraadka Oo Wada jir u saxeexay Heshiiska

Hargeysa(ANN)–Heshiis loo dhanyahay ayaa maanta lagu gaadhay Madaxtooyadda Somaliland, kadib kulan saacado socday oo ay wada yeesheen Madaxweynaha Qaranka Somaliland. labada guddoomiye Xisbi Mucaarad iyo Dublamaasiyiin ka socday danneeyayaasha doorashooyinka iyo geedi-socodka dumuqraadiyada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa heshiiska rasmi ah ee ay ka gaadheen murankii iyo khilaafkii ragaadiyay qabsoomida doorashooyinka.

Heshiiska ay madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo hoggaanka Axsaabta mucaaridka ahi kala saxeexdeen, ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweynaha Somaliland, Hoggaamiyaaysha Xisbiyada Mucaaradka, Hoggaanka Xisbul xaakimka iyo ka qaybgalayaasha Heshiiska Komishanka doorashooyinka 27 Feb 2020. Araweelo News Network.
Madaxweynaha Somaliland, Hoggaamiyaaysha Xisbiyada Mucaaradka, Hoggaanka Xisbul xaakimka iyo ka qaybgalayaasha Heshiiska Komishanka doorashooyinka 27 Feb 2020. Araweelo News Network.