Araweelo News Network

Hillary Clinton

Hillary Clinton

Philadelphia(ANN)Hawenayda u taagan tartanka Madaxweynaha Dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa cod bixiyeyaasha u sheegtay in wakhtiga doorashadu ay tahay “wakhtiga qiimaynta” iyada oo taariikh xariiqday markii ay aqbashay in ay noqoto magacaabidda xisbiga dimuqraadiyadda.

Hillary Clinton waxay haddalkaa ka sheegtay Philadelphia, iyada oo noqotay murashaxaddii u horaysay ee haweenay ah ee uu soo magacaabo Xisbi wayn oo dalkaasi ka jira. sidaa awgeed waxay ku baaqday in la midoobo.

Dhinaca kale Hillary Clinton waxa baaq u durtay ninka ay sida weyn isaga soo horjeedaan ee u taagam musharaxa hayaan Xisbiga Jamhuuriga, Mr. Donald Trump, iyadoo ku tilmaamtay in uu u malaynayo in dhibaatada dalka oo dhan keligii uu xallin karo.

Waxayna taa bedelkeeda sheegtay oo farta ku fiiqday sida ay lagama maarmaanka u tahay in dadka Mareykanka oo si wada jir ah u shaqeeya ay mustaqbal wanaagsan u noqon karto qofkasta.

Mrs Clinton waxa ay sidoo kale u mahadcelisay taageerayaasheeda in musharrixii ay ku tartameen doorashada hoose ee Dimuquraadiga, Bernie Sanders.