Araweelo News Network

Turkish President Recep Tayyip Erdogan (Photo by AFP)

Ankara(ANN)-Hogaamiyaha mudada dheer ka talinayay dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii labaad ku guuleystay madaxweynanimada dalka. iyadoo la tiriyey codadkii doorashada laga dhiibtay 99 boqolkiiba sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda.

Turkish President Recep Tayyip Erdogan, accompanied by his wife, Emine Erdogan, addresses his supporters in Istanbul, Turkey, April 16, 2017. (Photo by Reuters)

Mr Erdogan ayaa waxa uu doorashada ku guuleystay  boqolkiiba 52.5, halka ninka ugu dhow ee mucaaradku soo sharaxeen oo lagu magcaabo Muharrem Ince uu helay boqolkiiba 30.7.

Erdogan ayaa la xaqiijiyey inuu helay 52.5 codadka la dhiibtay oo dhan, wuxuuna mar labaad ku guuleystay madaxweynanimada dalkaasi oo ay guusha sidaa ku raacday, iyadoo aanu jirin wareeg labaad.

Axsaabta mucaaradka ayaa cabasho ka muujiyeen doorashada, waxayna ku doodeen in codadka lagu shubtay oo ay jirtay wax isdaba marin dhanka codbixinta ah.

Codbixiyayaasha ayaa waxa ay dooranayeen madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka. Xisbiga AK ee Mr Erdogan ayaa ku horreeya kuraasta baarlamaanka.

Natiijada doorashada dalka Turkiga
Haddaba iyadoo la tiriyay boqolkiiba 99% codadkii doorashooyinka baarlamaanka, ayaa xisbiga Madaxweynaha ee AK waxay guusha ku raacday 52.5,  sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu. Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP ayaa waxa uu helay boqolkiiba 30.7, xisbiga Aksender wuxuu helay 7.4 boqolkiiba, halka uu xisbiga Demirtas uu helay 8.3 boqolkiiba.

Mr Erdogan oo ha hadlay doorashada, ayaa ku tilmaamay mid muujinay dumuqraaduyadda dalkiisa iyo rabbitaanka shacabka Turkiga, wuxuuna xusay in mudadii uu hoggaaminayay Dalka gaadhsiiyay horumar ballaadhan, isla markaana uu sii wadayo sidii dalkiisu u noqon lahaa mid gaadha halka uu higsanayo.