Araweelo News Network

Kenyan opposition leader Raila Odinga waves at supporters as he leaves the Supreme Court in Nairobi on September 1, 2017. (Photo by AFP)

 

Nairobi(ANN)-Hogaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka ah ee dalka Kenya Mr. Raila Odinga, ayaa ka soo horjeestay talaabada ay Baarlamaanka dalka Kenya ee Xisbiga Jubule raacsan wax kaga  badalayaan Hanaanka loo qabanayo Doorashada.

Mr. Raila oo shir saxafadeed ku qabtay xarunta Okoa Kenya ee magaalada Nairobi oo Mucaaradka looga arrimiyo, ayaa  ku tilmaamay Madaxweyne Uhuru iyo Ku xigeenkiisa William Ruto in Kenya ay dib ugu celiyaan Hanaanka kali talisnimada ah, balse ay ka dhiidhi doonan iyaga oo kaashanaya shacabka dalka Kenya.

Dhanka kale waxaa uu balan qaaday in Banaanbaxyo nabadeed oo Guud ahaan dalka Kenya ay ka dhigi doonan Todobaadka soo socda.

Ugu dambeyn waxaa fashil ku dhamaaday wadahal Saddex geesood ahaa oo dhaxmari lahaa Xisbiga haya talada dalka ee loo yaqaan Jubule, isbahaysiga Mucaaradka ah ee NASA iyo Guddiga Doorashada iyo Xuduudaha dalka ee IEBC kadib markii Xubnaha Baarlamaanka ee Dowladda ay wax ka badalka Hanaanka Doorashada qaabka loo qabanayo meel mariyeen.