Araweelo News Network

Telefishinka Shiinaha ayaa baahiyay sawiro labada hogaamiye iyo xaasaskooda oo wada taagan

Beijing(ANN)-Hoggaamiyaha Dalka Kuuriyada Woqooyi , Kim Jong-un, ayaa kulan kula qaatay magaalada Beijing madaxwaynaha dalka Shiinaha , Xi Jingping.

Wakaaladda wararka Shiinaha ee (Xinhua) ayaa sheegtay in Mr Kim uu sheegay in ay xukuumadda Pyongyang ay ka go’an tahay in ay ka talabaxdo barnaamijkeeda Niyukleerka.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in Kuuriyada Waqooyi ay wadahadal la yeelan doonto dowladda Mareykanka.

Waa booqashadiisii ugu horreysay oo uu dibadda ku tago tan iyo intii uu awoodda la wareegay 7 sano ka hor.

Christopher Hill waxa uu hore Mareykanka ugu qaabilsanaan jiray wadaxaajoodka Kuuriyada Waqooyi ee barnaamijka Niyukleerka ayaa BBC u sheegay in kulankani uu yahay mid muhim ah.

Mr Kim ayaa lagu wadaa inuu bisha April la kulmo madaxwaynaha Kuuriyada Konfureed Moon Jae-in , halka madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump lagu wado in uu la kulmo bisha May.