Araweelo News Network

Kenyan opposition leader Raila Odinga waves at supporters as he leaves the Supreme Court in Nairobi on September 1, 2017. (Photo by AFP)

Nairobi(ANN)-Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka Kenya ee NASA, Raila Odinga, ayaa maanta sharaxay go’aamada uu ka qaatay doorashadii ku celiska ahayd ee Isniintii todobaadkan la soo afjaray.

 

Raila Odinga, ayaa ku celiyay in weli uu aaminsan yahay in aanay doorasho dhicin, wuxuuna si cad u tilmaamay in aanu aqoonsanayn maamulka Uhuru Kenyatta oo Guddiga doorashada ee IEBC ku dhawaaqeen natiijada doorashadaa inuu  helay 98 boqolkiiba, codadkii la dhiibtay, taas oo 39% dadkii diwaangashanaa ayaa ka qeyb qaatay codbixinta madaxweynaha ee dhacday Khamiistii.

 

Go’aamada uu qaatay hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga ee ku waajahan natiijada doorashadii ku celiska ahayd, ayaa yidhi, “Doorasho aan waxba ka jirin waa in aanan la aqbalin”

 

Raila Odinga oo aanay garabkiisa ka muuqan hoggoomiyayaashii kale ee mucaaradkiisa ee NASA xilligii uu hadalka jeedinayay, ayaa ku dhawaaqay go’aamo culculus.

 

Wuxuuna  xisbiga Jubilee iyo guddiga doorashada ee IEBC ku eedeeyay in ay diideen go’aankii maxkamadda, fikradaha caalamka iyo hadalka xubin sare oo ka mid ahayd guddiga Roselyn Akombe oo shaqada iska casishay.

 

“Guddoomiyaha IEBC, Wafula Chabukati ayaa xaqiijiyay in aanay doorasho xor ah qaban karin, hadana wuxuu qabtay mid aan waxba ka jirin,” ayuu yidhi Raila oo warbaahinta la hadlay, wuxuuna markii uu hadalka dhammeeyay Raila, waxaa goobta soo gaadhay seddaxda ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaaradka ugu wayn Kenya ee NASA.

 

“Waxaan si joogto ah u sheegaynay in doorashadu ay ka xumaan doonto kuwii hore uga dhacay dalka,” ayaa lagu yidhi, qoraal ka soo baxay xafiiska mucaaradka.

 

“Dunida waxay markhaati ka noqotay in doorasho aanay dhicin. Warbaahinta caalamka waxay ku tilmaamtay doorasho aan si fiican loogu soo bixin.” ayuu yidhi Raila.

 

Mr. Raila Odinga,  ayaa ku celiyay hadal uu jeediyay todobaadkii tagay oo ahaa in uu samaynayo howlgal uu ugu magac daray “Ololaha Iska Caabinta Qaran.”

 

“Dhaqdhaqqaqa iska caabinta qaran wuxuu masuul ka noqon doonaa fulinta barnaamij xoog leh oo siyaasadeed sida, go’doomin dhaqaale, dibadbaxyo nabadeed iyo isu soo baxyo kale oo sharci ah,” ayuu yidhi,  Raila oo saxaafadda iyo shacabka Kenya la hadlay.

 

Mudadii ay socotay doorashada ku celiska ahayd, waxa Rabshado dhacay ku dhintay dhowr qof, halka kuwa badan oo ku dhaawacmay la geeyay Cusbitaallo.

 

Taageerayaasha Raila,  ayaa hor istaagay in codeynta ay ka dhacdo goobaha qaar, taas oo sabab u ahayd in la joojiyo doorashadii ka dhici lahayd afar deegaan oo hore loogu qorsheeyay inay ka dhacdo deegamadaa.”Haddii aanay dadku cadaalad helin,  waa in dowladduna aanay nabad galin,” ayuu yidhi.

 

Dhinaca kale Uhuru Kenyatta oo ku guuleystay doorashada ku celiska ah ee maxkamadda sare ee Kenya amartay ka dib markii la laalay natiijada doorashadii hore.

Guddida doorashada ee IEBC ayaa ku doodaya in doorashadu ay u dhacday si xor ah. Waxayna ku baaqeen nabad.

 

Laakiin mucaaradka waxay ku adkeysanayaan in la xoogay, tiradana codeysayna been laga sheegay, balse waxa dad badani shaki ka qabaa in “ololaha iska caabinta” uu sababo amnidaro ama rabshado ka dhaca Kenya.

“Dowladaha dastuurka kama sareeyaan, dastuurkana dadka kama sareeyo” ayuu ku billaabay hadalka Raila markii uu ka hadlayay qodobka, wuxuuna sheegay in dowladda cusub ay u arkaan mid aan sharci ahayn, isagoo ku dooday  sida codeyntu u dhacday iyo marxaladda lagu qabtayba in aanay waafaqsanayn sharciga.

 

“Shacabka waa in ay soo ceshadaan awoodooda madaxa bannaan. Taasina waa sababta uu dastuurka u ogolaanayo in dadka ay xurriyadooda u madaxbannaanaadaan.”

 

“Waxaa hadda khasab nagu ah in aan soo ceshano dimuquraadiyadda, dastuurka iyo kala dambaynta,” ayuu yidhi hoggaamiyaha mucaaradka Kenya.

Wuxuu intaa ku daray, “Waxaan maanta ku dhawaaqeynaa aasaaska gole dadweynaha, wuxuu dardar gelinayaa soocelinta dimuquraadiyadda.”

 

Wuxuu sheegay in golahaasi ka koobnaan doono xubno siyaasadeed oo la soo doortay iyo hoggaamiyayaasha qeybaha kale ee bulshada, sida lagu xusay qoraalka uu mucaaradka soo saaray, waxaana sidoo kale lagu sheegay go’aanka mucaardka in golahaa ay ka mid noqonayaan Shaqaalaha, ururada bulshada rayidka ah, culimada diimaha, hoggaamiyayaasha, dhallinyarada iyo ganacsatada.

Mucaaradka,  ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ku dhawaaqi doono xubnaha golahaa ka mid noqondoona, kuwaas oo la dhaarin doono, ayuu yidhi, Raila, isagoo yidhi,”ujeedada loo aasaasayo golahan waxay tahay in ay shaqeeyaan inta laga helayo dowlad iyo madaxweyne sharci ah.”

Sidoo kale, wuxuu Odinga sheegay  in uu dhisi doono guddi ka hoos shaqeeya baarlamaankiisa si ay wax uga qabtaan meelaha uu maamulka ka daciifo.

Go’aamada mucaaradka Kenya soo saareen, waxay dadka siyaasadda falanqeeya ku tilmaameen inay yihiin kuwo muujinaya in Kenya laba dawladood yeelanayso oo mucaaradku soo dhisayaan dawlad cusub.