Hyon Yong CholPyongyang (ANN)Wasiirkii Difaaca Wadanka Kuuriyada Waqooyi Hyon Yong Chol ayaa lagu fuliyay xukun dil ah. Kadib markii lagu eedeeyay in uu hurday xili ay munaasabad qaran ka socotay dalkaa, taas oo uu ka khudbadaynayay Hogaamiyaha Dalkaasi Kim Jong-un.

Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed iyo Masuuliyiin ka tirsan Dalkaasi ayaa sheegay in Wasiirka Difaaca Waqooyiga Kuuriya lagu toogtay maanta qoriga Lidka Diyaaradaha kadib markii uu ka seexday munaasibad Milateriga Qaranka North Koria lahaa, taas oo bishii hore ka dhacday Caasimada dalka Kuuriyada Woqooyi ee Pyongyang.

Dilka Wasiirkii Difaaca, waxaa amray Hogaamiyaha Mayalka adag ee Kim Jong-un, waxaana lagu eedeeyay Ixtiraam-daro iyo caasinimo uu ku kacay oo ka cadhaysiisay Hoggaamiyaha da’ada yar ee macangaga ah.

Mr. Hyon Yong Chol oo ka mid ahaa raggii geesiyaasha ahaa ee lasoo shaqeeyay Madaxweynaha Kuuriyada Woqooyi ee waqtigan, ayaa lagu toogtay Akademiyada ciidamada ee ku taal caasimada Dalkaasi ee Pyongyang, waxaana dilkiisa lagu amray dadka inay usoodaawasho taggaan, iyadoo ay usoo daawashado taggeen goobta lagu tooganayay boqolaal qof ay ku jiraan Masuuliyiin iyo saraakiil Ciidan.
Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay 2011, waxa uu toogtay Hogaamiyaal iyo Saraakiil lasoo shaqeysay Aabihii oo gaadhaya 70 sarkaal, kuwaas oo 15 ka mid ah uu dilay sanadkan 2015,  waxaana dadka Hogaamiyaha Kim Jong-un uu dilay kamid ahaa Adeerkii Aabihii la dhashay oo awood baddan ku lahaa Dalkaa, isla markaana tababar siin jiray Hoggaamiyahan yar markii uu xukunka la wareegay, balse wuxuu ku eedeeyay Musuq maasuq iyo in uu maleegayay afganbi ka dhan ah. Sidoo kale maalmihii u danbeeyay, ayuu dilay Haweenay uu qabay Adeerkii oo uu hore u khaarajiyay.

Kim Jong-un, ayaa lagu tilmaamaa hoggaamiyihii dunida qarnigan aynu ku jirno ugu macangagsanaa, isla markaana ugu xukunka adkaa, iyadoo inta baddan Maraykanka oo siyaasadiisa xoog u dhaleeceeya iyo Koonfurta Kuuriya oo ay deris yihiin dagaal dhinaca afka ah dhexmaro, waxayna dilalka uu ku fuliyay Madax ka tirsanayd dalkiisa iyo dad qoyskiisa ah cashar u noqonayaan cid walba oo hunguri siyaasadeed ka hayo xukunkiisa Milateriga ah.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.