Araweelo News Network.

 Mekelle (ANN)-Hoggaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael, isla markaana ah Madaxweynaha gobolka Tigray ee TPLF, ayaa ku dhawaaqay xabad joojin deg-deg ah oo lagu hakinayo dagaalka muddada 13-ka bilood ka socday dalka Ethiopia.

Debretsion, ayaa qoraal uu ku socod siiyay Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Gutteres, wuxuu ku sheegay in uu ciidamadiisa ku sugan Woqooyiga gobolka Tigray, gaar ahaan deegaamada Amxaarad iyo canfarta ay kasoo baxaan oo kusoo laabtaan xadka gobolka Tigray.

Warqada Hoggaamiyaha Tigray, Debrestion, oo ku taariikhaysan 19 December 2021, wuxuu sidoo ku xaqiijiyay xabad joojin deg-deg ah, si loo soo afjaro dhiigga daadanaya 13-ka bilood.

“Waxaan ku kalsoonahay in ficilkeena geesinimada leh ee ka bixitaankeena uu noqon doono fur furan nabada,” sidaa ayuu ku qoray qoraalka uu Xoghayaha Qaramada Midoobay u qoray Debretsion Gebremichael oo ah Madaxweynaha xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

TDF, ayaa dagaal dhiig baddan ku daatay kula jiray xukuumadda Federaalka ah ee Ethiopia tan iyo November 2020, iyadoo  xukuumaddu taageero ka helay  ciidamadda dalka Eretria iyo malayshiyaad kale oo ay ugu horeeyaan Amxaarada iyo Canfarta, wallow dagaalka ay ku jiraan dawladdo waaweyn oo ugu danbayntii ka baaciyay dagaalyahanka TDF oo bilihii lasoo dhaafay qarka u saarnaa in ay qabsadaan caasimadda Addis Ababa.

 Debretsion Gebremichael,ayaa ku xusay qoraalka in ay lagama maarmaan tahay in la dhaqan geliyo in diyaaraddaha dagaalka iyo duqaymaha laga mamnuuco gobolka Tigay, si loo dhaqan geliyo xabad joojinta.

Sidoo kale wuxuu ku sheegay Warqadda uu u diray Qaramada Midoobay  inuu ku baaqayo in la sameeyo aag ka caagan duullimaadyada diyaaraddaha dagaalka oo aaggaasi noqdo gobolka Tigray, lana saaro cunaqabataynta hubka ee Ethiopia iyo xulafadeeda Eretria, iyo hab lagu xaqiijiyo in xoogag hubaysan oo dibadda ahi ka baxeen Tigrayga, ayuu ku sheegay qoraalka.

Dawladda Federaalka ah ee Ethiopia, ayaan ka hadlin xabad joojinta dhankeeda, balse waxa jiray marar baddan oo ay labada dhinac sidan oo kale ku dhawaaqeen xabad joojin, taas oo aannay waxba ka hirgelin.

Dhawaaqa xilligan ee xabad joojinta, ayaa kusoo beegmay, iyadoo weli dagaalku ka socdo gobolka Amxaarada iyo Canfarta, sidoo kale waxay kusoo beegantay xabad joojinta lagu dhawaaqay xilli ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed dalka ka qaman yahay.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com