Araweelo News Network

London(ANN) -Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan hore u ahaa Wasiirkii Maadaxtooyadda ee Dawlada Axmed Siilaanyo, ayaa ka hadlay xaalada abaarta ee kasii daray, doorashooyinka Somaliland iyo arrimo kale.
Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo lagu marti qaaday Barnaamijka Dareenka Shacabka oo ka baxa Talafeshinka HCTV, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay jawaabo uu ka bixiyay su’aalo badan oo la weydiiyay.

Sidoo kale waxa la weydiiyay su’aalo la xidhiidha Musdanbeedka uu Madaxweynuhu sheegay in loo samayn doono Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Wadda Hadalada Somaliland iyo Khaatumo, arrimaha la xidhiidha Sicir bararka uu sababay dollarka oo qiimihiisu cirka isku sharreeray iyo qiima-dhaca ku yimi shilinka Somaliland.

Hogaamiye Xirsi oo la waydiiyey waxa ugu mudnaa safarkoodii ay ku marayeen qaarada Yurub ayaa yidhi “Safarkayaga waxaa kow ahayd horta Abaarta ba’an ee dadkayaga haysata inaanu baaq uga jeedino, oo dunida u bandhigno dhibaatada jirta, sidoo kale arrimaha doorashooyinka dib u dhacyada yimi in badan ay dunidu dib isu yara taagtay inaan ku qancino doorashadii dhawrka bilood u hadhay nala garab galaan oo doorashadii siday uga qeyb qaadan jireen uga qeyb qaataan oo aanay ka moral jabin, waxa kale oo soo raaca oo ugu mudan meel kast oo aanu joogno iyo goob kasta oo aanu joogno qadiyadda Somaliland waa qadiyad koona walba oo aanu dunida tagno iyo qof walba aanu la kulano ku bilowno oo aanu u bandhigno markaa iyadu waa wax marwalba miiska yaala inaanu u bandhigno oo ka dhaadhicino qadiyadayada ummadayada dawladnimadeeda iyo madax banaanideeda iyo jiritaankeeda”

Md. Xirsi Cali Xaaji Xaaji Xasan oo la waydiiyey hadal hayntii dadweynaha ee Casuumadii lagu casuumay waftigooda Xarunta Chatham House ayaa sheegay “Waxba ma qarsoonayn waa fagaare caana oo la yaqaano oo lagu falan qeeyo siyaasadda doodo iyo khudbado laga jeediyo wax la qariyaaba ma galaan Chatham House , waxaa yimaada dadka lagu casuumo ee martida markaa u ah waxaana dhegaysta dada kasoo qeyb gala su’aala laysku waydiiyaa maaha markii ugu horaysay aan imaado waa markiisaddexaad aan imaado Chatham House maraan la socday Wasiirka Khaarajiga, Maraan la socday Madaxweynaha iyo maran la socday Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ah Musharaxa Waddani si isku midaan u arkayey saddexdaba inay tahay fagaare dunida looga jeediyo falaqaynta mawduuca siyaasadeed cida markaa lagu casuumo meel Sikrad iyo sireedba maaha waa meel fagaare ah”

Mar kale Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda oo la waydiiyey sida uu u arko Wada hadalka Somaliland iyo Khaatumo ayaa ku jawaabay “Aragtida Somaliland waxaan la mid ahay Xukuumadayda iyo Xisbigayga oo labaduba aaminsan yihiin in lasoo dhaweeyo lays barbartaago wada hadalkasta oo suurta gelinaya in dadka reer Somaliland nabad ku midoobaan oo ku heshiiyaan cidkasta oo wax tabanaysana miiska la keeno oo lala hadlo, markaa waan soo dhaweynayaa waxkasta oo suurta gelinaya in qofkii fikirka Somaliland si qaldan u fahmay wax ka tabanaya in lala hadlo oo miiska lasoo fadhiisiyo mabda’a ahaan waan soo dhaweynayaa”

Xirsi Cali Xaaji Xasan Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradeedka Waddani ayaa sheegay in Musdanbeedka loo samaynayo Komishanku sharci daro ku timaamay “Horta runtii inta aan ka ogahay dhawaaq baan maqlay soo baxay oo kasoo baxay Madaxweynaha ama Xukuumadda, dhawaaqaa soo baxay wali maan maqal si toosa oo loo soo gudbiyey hadal haynta mooyaane, jiritaanku wuxuu ku ansaxaa had iyo jeer marka wax lasoo gudbiyo ee si rasmiya loogu dhawaaqo ma hubo inay sifo rasmiya kaga soo baxday Madaxweynaha, hadii se sifo rasmiya uga jeedadu ahayd maqifka xisbigayga ayaan ku waafaqsanahay waxaan leeyahay gudi musdanbeedoo la sameeyaa sharci maaha aslan, Dhawaaqa ka yeedhay Cabdilaahi Jawaan oo oday culus ah oo runtii Komishanka ahan jiray xilal badana qaranka kasoo qabtay waanu u dhegtaagaynaa inkastoo aanan Komishanka kalsoonidisii dhaawaceyn waxaanu ka aragno mooyee hadana dabcan dareen dhawaaqa soo yeedhay waa dareen u baahan inaanu iska aragno oo wax iaska waydiino Komishanka, inta aanu wax iska waydiinayno dhaawici mayo kalsoonidii komishanka”

Hoggaamiye Xirsi ayaa si adag u difaacay qaranimada Somaliland isagoo xusay inay dadka Somaliland ka koreen xabada iyo qaraxyada ka socda Somaliya dhawaaqa dadka Somaliland kasoo yeedhaa uu yahay mid caafimaad qaba “ Horta Dalkayagu waa dal dimuqraadiya hadaad ka waranto meelo kale oo Soomaaliya kamida oo soomaaliya aad u aragto qaabkeedii anagu dal Dimuqraadiya baanu joognaa, dhawaqa kulul ee soo baxaya wuxuu badel u yahay halka meelo badan oo aad ka waranto xabad iyo qarax lagaga jawaabo markaa waxaan ku leeyahay dhawaqayagu caafimaad weeye isdil maaha, dadkayagu intaa waa ka koranyahay waan ku bogaadinayaa, Dimuqraadiyada iyo Madaxbanaanida iyo xornimadaa waxay muujinaysaa inay cid waliba wixii rayiya aanay ku qanacsanayn ay tidhaahdo kuma qanacsani markaa wuxuu xisbigayagu taagnaa xukuumada iyo xisgeeda waar dadka qanciya”

Xirsi oo ka jawaabaya su’aal la waydiiyey oo la xidhiidhay inay Somaliland heshiis qarsoodi lah la gashay Somaliya ayaa yidhi “ Somaliya heshiis caalamiya iyo midaan ka barinay iyowax isku qooshan anigu ma ogi Xukuumadaydana ku eedayn maayo waxaanan ogayn, waxna waa wax lookal ah oo aan anagu isku hayno waxna waa wax naga baxsan markaa ku eedayn maayo Somaliya ilaa aan wax cad arko”

Wariyaha oo Hogaamiye xirsi ku sheegay inuu ruug cadaa siyaasiya yaahy ayaa ganafka ku dhuftay kuna jawaabay sidan “Horta u rixin maayo Ruug Cadaa siyaasiya baad tahay oo waa layga ruug cadaa san yahay haday tahay Xisiga iyo Dawladdaba dad badan oo ruug cadaayi waa ku badan yihiin, waxaan kamid tahay Siyaasiyiinta Somaliland ee caanka ah markaa amaan aanan lahayn waxba u ruxmi maayo ku horboodi maayo runtii ma jecli in laygu talax tago”

Wasiir hore ee Madaxtooyadda Somalialnd ayaa sheegay gooni isgu taaga Somaliland aanu ahayn wax ku yimi cadho balse ay tahay go’aan shacab “Anagu Somaliland wakhti runtii dheer baanu soo wadnay Dadkayagu maaha wax cadho ku yimi, wax cunfi ku yimi wax deg deg ku yimi waa maaha waa qaddiyad ummadi gaadhay oo ay leedahay qadiyadaa umaddayada waanu ka midho dhalinaynaa insha allaahu” ayuu yidhi, Mr. Xirsi