Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inay baadhis iyo daraasad xog-ururin ah samaynayaan si ay u ogaadaan waxyaabaha sababta u noqday inay ku guulaysan waayeen doorashadii Madaxtooyada ee dalka Somaliland ka qabsoontay 13 November 2017.

Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo warraysi siiyey telefiishanka HCTV , ayaa sheegay in Xisbi ahaan ay tartan u galeen sidii ay ugu guulaysan lahaayeen doorashadii Madaxtooyada Somaliland, balse ay hadda doonayaan inay ogaadaan sababaha fashiliyey tartankooda.

“Waxa runtii hadda la wadaa oo socda daraasad ku saabsan oo lagu sameeyo dhacdadii dhacday oo uu xisbigu qorshaynayo si dhammeystiran oo ah; maxaa keenay in aynu gaadhi weyno? Awooddii aynu lahayn iyo filashadeenii maxaa hoos uga dhigay? Iyo sidoo kale, maxaa ku soo kordhay doorashada? Runtii uu werwer uu jiro. Waa markii ugu horreysay ee werwer noocaas ahi yimaaddo inay gacmo kale inna soo galeen, imminka ka hordhici maayo oo odhan maayo; ‘Hebel iyo reer hebel bay ahayd.’ Laakiin, baadhitaan iyo team (kooxda) loo saaray, waxay soo saareen baannu ka sugeynaa Insha Allaahu tacaalaa waqtigeeda,” ayuu yidhi Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI.

Waxaannu intaas ku daray; “Maannu guul-darreysan, laakiinse waxa aannu gaadhi weynay wixii aannu doonaynay oo ahaa in aannu talada dalka qabanno, taasi waa wax loo tartamo, oo had iyo jeer marka la tartamayo in aad waxa aad doonayso gaadho iyo in aad gaadhi weydo, labadaba waa suurtogal.”

“Dabcan, sababo way jireen, wayna badan yihiin, annagana waa laga yaabaa inay xaggayaga ka timaaddo sababo aannu tirsanayno runtii inay gacmo kale soo galeen iyo in ay doorashada mad-madow ku gedaannaa oo aannu marar badan xusnay, intuba way jireen oo aannu wax ka tabbayno. Laakiinse, waxaas oo dhan waxa isku fuuqsaday waxaannu aqbalnay wixii ka soo baxay (doorashadii Madaxtooyada), dee mar haddii wax soo baxaan oo aannu aqbalnay wixii ka soo baxay, waxba imminka wixii hore dib ugaga noqon maayo,” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Waxa kaloo la weydiiyey waxa uu kala socdo lacago daymo badan oo la sheegayo in xukuumadda Siilaanyo wareejin doonto marka uu xilka la wareego Madaxweynaha cusub ee la doortay toddobaadkan, waxaannu ku jawaabay; “Wallaahay, waxba kalama socdo deymahaas, markii iigu dambeysayna laba sanno ka hor ayaan dawladda ka tagey oo deymo laguma lahayn oo way shaqeynaysay, badannaana waxa soo bixi jiray in miisaaniyadda siyaado iyo dheeraad ka soo baxdo. Markaa maan maqal wax line official ah sheegaya in dib-u-dhac ku yimi dhaqaale hoos u dhacay, inkastoo dhaqaalaha guud ee dalka aynu ka war hayno inuu hoos-u-dhac jiro.
Laakiinse, miisaaniyaddeena inay is-dhintay oo hoos-u-dhac ku yimi oo deficit la galay maan maqal, deyn kalena maan maqal, markaa waxaanan ogeyna ka jawaabi maayo.”

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI, ayaa sidoo kale ka hadlay shir beeleedyo lagaga baaqay deegaamada uu Xisbigoodu taageera ka haystay, waxaannu yidhi,; “Waxay xaq u leeyihiin taageerayaashayadu inay ra’yigooda cabbiraan iyo inay dareenkooda soo gudbiyaanba, waa dal dimoqraadi ah xor bay u yihiin, laakiinse talo uu imminka xisbigu ku tashaday inuu shir halkaa ku qabto, dee maamul iyo hoggaan ayuu leeyahay oo iminka naga soo go’day ma jirto, haddayse timaaddo amma meel fog ha laga soo sheego amma meel dhaw laga soo sheego amma meel dibedda ah ha laga keeno, haddii ay taladdu timaaddo ah; ‘Tallo aynu isugu nimaadno.’ Waa markeeda iyo maalinteeda, laakiinse hadda deegaannadu inay ka cawdaaan xaq bay u leeyihiin, inay tabashadooda iyo waxay doonayaanba sheegtaan xaq u leeyihiin, inay annaga xisbi ahaan haddii ay nayidhaahdaan; ‘Aan tashanno.’ Talo is-weydiino xaq bay u leeyihiin, laakiinse weli ma dhicin talo uu xisbigu ku go’aansaday inuu Burco amma Ceerigaabo tago, qorshe noocaas ahi weli ma dhicin, waxaanan rajeynayaa talo mug leh in markeeda la isugu imanayaa. Hadda Guddoomiyihii dalka dibedda ayuu kaga maqan yahay oo waxa uu joogaa Nairobi safar yar oo gaaban oo uu ku tagey, maalinteeda iyo marka tallo loo baahdo iyo waxa laga tashanayo oo la is-weydiinayo, laakiinse waxaan arkayey uun deegaanno ka mid ah oo cabbasho dareemaya, hadday tallo doonayaanna dadkoodii wax u soo jeedinaya, wax saameyn ah oo guud…”