Araweelo News Network

 

Ma Jiro Mashruuc keliya oo xukuumadda KULMIYE, dalka ka fulisay mudadaa saddexda sanandood ku dhow, marka laga reebo hal mashruuc oo isagana,….” Xirsi

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa dhaliilay safarka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa ee gobollada Bariga, sidoo kale, wuxuu ka hadlay xayiraadda Diyaaraddaha Fly Dubia iyo Al-Arabia oo shirka golaha Wasiirada qoraal kasoo baxay todobaadkan lagu shaaciyay in la kordhiyay xayiraaddii saarnayd.

 

Sidaana waxa sheegay Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, isagoo safarka Madaxweyne Biixi ku sifeeyay mid la doonayo in Bulshada lagu kala qaybiyo, balse aannu ahayn mid dantooda wada. Sidaa awgeed aannay geyin Bulshadu dhaqanka noocaas ah.

Hoggaamiye Xirsi, ayaa ku dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ee Xisbiga KULMIYE, mid sheegay inaanu hal mashruuc oo xukummadda Madaxweyne Biixi dalka ka hirgelisay mudadii ay xilka haysay oo ku dhowaad saddex sannadood, isagoo sheegay in barnaamijkii Xisbiga KULMIYE, bulshada usoo bandhigay xilligii Ololaha oo noqday mid wada Booggo ah oo shacbku ku hungoobeen.

”Sidaa ogtihiin Madaxweynaha markii talada dalka loo dhaariyay ilaa maanta wax mashruuca oo macno leh oo Bulshada isheedu soo jiidato, oo hankeeda kor u qaada, oo himilladii ka jawaaba ummaddu lahayd kuma hayno.” Ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi oo maanta warbaahinta kula hadlay magalada  Hargeysa.

Hoggaamiye Xirsi oo soo hadal qaaday Mashruuca shaqa-qaran ee xukuumadda Madaxweyne Biixi soo kordhisay yahay ka keliya ee ay soo kordhisay, balse lays weydiinayo ma yahay mid aan dalku u baahanyahay, sababtoo ah wuxuu sheegay in loo baahanyhay dhallinyaro aqoonyahan ah oo dib-u -dhiska dalka ka qayb qaata, balse aan loo baahnayn Askar badan oo dalku yeesho.

”Waxay sheegtaa wax la yidhaahdo ‘shaqa-qaran’ oo Ardayda ciidan la geeyo, maba xuma in laynoo tobbabaro dhalinyarada, laakiin intee la tabbabarayaa? Sannad walba 20 kun baa soo baxee ma boqol kun oo askari buu u baahanyahay dalku,  mise boqol kun oo u shaqeeyuu dalku u baahanyahay? Markay noqoto difaac boqol kun oo Askari waa loo baahanyahay ee baahidaasi jirto, laakiin gaajada, busaaradda iyo duruufaha ku xeeran ayaa u baahan in laga jawaabo.” Ayuu yidhi.

“Gollaha Wasiirada shaqadooda waa la yaqaan may ahayn arrinta diyaaradduhu waxay ahayd arrin maamule in shirka gollaha Wasiirada la geeyo, waxay u muuqatay in Madaxweynuhu indhaha ka ridayo, oo damcay inuu isaga dhiggo Odayaashii u yimi iyo dadkii kala hadlayay arrintaa, maanta garoonkeena diyaaraddaha waxa timaada diyaarad keliya oo weliba isaga loo tiriyo (Madaxweynaha), maalintii uu xilka la wareegayna garoonkeenu wuu camiraa, markaa ma aduunkaynu iska xidhaynaa, mise aduunkaynu  isku xidhaynaa.” Ayuu yidhi. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Dhinaca kale, isagoo ka hadlaya safarka Madaxweyne Biixi ee xilligan gobollada Bariga Somaliland, wuxuu yidhi, “Maaha in kuwa loo tegey wax loo qabanayo ama aannu ka Xunnahay,  laakiin Qolana wax loo qabanmaayo ee waa Qaybi oo Xukun iyo in iyaga Madaxyadooda la isku garaaco. waxaanu leenahay Umadda ma dhaqdo sidaasi kaamana gaydo wax ka weyn ayaa la idinka sugayay oo Barmaamijkiinii aad Umadda u soo bandhigteen meeshii la taabtaba waa Boog.” Ayuu yidhi, hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan.