“Aasaasayaashii, markii ay qorayeen dastuurkeena, ay ka shakiyeen inuu jiri karo Madaxweyne xun. uma malaynayo inay ka shakiyeen inaan lahaan karno Madaxweyne xun iyo hoggaamiye xun oo senatka ah isla waqti isku mid ah ‘ Afhayeenka Aqalka Kongereska Nancy Pelosi.
 

Washington(ANN)-Afhayeenka Aqalka Kongereska Maraykanka oo ah Haweenayda Nancy Pelosi, ayaa dhalleeceeysay dhawaaq kasoo yeedhay Senaterka Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Senatka Mitch McConnell Jr. ee Xisbiga Jamhuuriga, (Kentucky Republican) oo ka hadlayay Khamiistii aqalka Senatka, kadib markii uu ku dooday in baadhitaanka talaaabada mamaamuus ka xayuubinta Aqalka Wakiiladda ee Kongaresku ku qaadeen Madaxweyne Donald Trump ay ahayd mid lagu deg degay oo aan caddaalad ahayn, marka a eego xiliga taariikhda Casriga ah.

Afhayeenka Aqalka Kongereska Nancy Pelosi iyo Mitch McConnell Jr. oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyada Jamhuuriga ee Senatka Maraylanka. Araweelo News Network.
Afhayeenka Aqalka Kongereska Nancy Pelosi iyo Mitch McConnell Jr. oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyada Jamhuuriga ee Senatka Maraylanka. Araweelo News Network.


Hadalka Hoggaamiyaha Aqalka sare ee Maraykanka, waxa ka jawaab deg deg ah ka bixisay Afhayeenka Aqalka Kongereska Maraykanka oo ah Haweenayda Nancy Pelosi oo ah Xisbiga Dimuqraadiga ee haysa Aqlabiyada Kongereska, waxayna iyadoo u jawaabay dhigeeda tidhi, Mitch McConnell inuu yahay ‘hoggaamiye aan caadi ahayn oo ka tirsan Senatka’, ka dib markii uu ku dhiirrigeliyay xisbiga Dimuqraadiga inay u diraan qodobbada ku saabsan eedeeynta loo soo gudbiyey Golaha Senatka, iyagoo ku andacoonaya inay ku helayaan ‘cago qabow’.


Sidoo kale, Haweenayda Pelosi, ayaa tidh, ‘[Khudbadii McConnell] waxay i xusuusisay in Aasaasayaashii, Maraykanka markii ay qorayeen dastuurkeena, ay ka shakiyeen inuu jiri karo Madaxweyne xun. uma malaynayo inay ka shakiyeen inaan lahaan karno Madaxweyne xun iyo hoggaamiye xun oo senatka ah isla waqti isku mid ah ‘ ayay tidhi, Afhayeenka Aqalka Kongereska Maraykanka oo ah Haweenayda Nancy Pelosi oo ka jawaabaysay hadalka Hoggamiyaha Aqlabiyadda ee Aqalka Senatka Mitch McConnell Jr.


Hadalkaa jawaabta ah ayay Nancy Pelosi, ka sheegtay furitaanka shirkeedii todobaadlaha mana aanay ka bixin wax tafaasiil oo dheeri ah sida ay u waajahayaan Xisbiga Dumuqraadiga ee haysta Aqlabitada Aqalka Kongeraska, kadib maamuus ka xayuubintii Madaxweyne Trump.

“Waxa ku xiga annaga ayaa noqon doona markaan aragno hannaanka loo dejiyay Golaha Guurtida, (Senatka), markaa waxaan ogaan doonnaa tirada maamulayaasha ay tahay inaan hore u sii soconno iyo cidda aan dooran doonno, markaan aragno waxay hayaan, waan ogaan doonnaa cidda iyo tirada aan u soo diri doono. Taasi waa waxa kaliya ee aan ka leeyahay inaan ka hadlo arintaas haatan.” ayay tidhi, Nancy Pelosi.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Senatka Mitch McConnell ee Xisbiga Jamhuuriga (Kentucky Republican) wuxuu ka hadlay sababta uu ugu malaynayo in labada qodob ee Goluhu u adeegsadeen maamuus ka xayuubinta Madaxweyne Trump, uu uga soo horjeedo, wuxuuna ku dooday inay labada qodob aad uga duwan yihiin kuwii ay weligood hore uga soo saareen Kongaresku.

Wuxuu ku eedeeyey Dimuqraadiyiinta inay dabada ka riixayaan, isaga oo tixraacaya codsigii Hoggaamiyaha Aqlabiyada Senatku, Chuck Schumer ee ahaa inuu ka codsado Markhaatiyo iyo Marag Dukumiintiyo cusub oo maxkamadda Senatku ay ka dalbatay dhigiisa Afhayeenka Aqalka Kongereska Maraykanka oo ah Haweenayda Nancy Pelosi ee Dumuqraadiga, balse taa bedelkeeda sida uu sheegay Mitch McConnell, isku dayo ay Senatka kaga dhex raadinayaan qaabab ay Guuritidu ku meel mariso si ay u haggaajiyaan ayuu yidhi, wuxuu ugu yeedhay guul-darooyinka Xisbiga Dumuqraadiga.

McConnell wuxuu yidhi,”Pelosi waxay soo jeediyeen ee Aqalka Dimoqraadiyiinta laga saoo saaray, waxay aad uga baqeen inay xitaa u gudbiyaan wax soosaarkooda shaqo ee muuqaalka leh Golaha Senatka”


“:”Aasaasayaasha dastuurka Maraykanka waxay u dhiseen Senatka, (Guurtida), si ay xasiliyaan oo ay u ilaaliyaan damacyada qaarkood inay isku dayaan sidan oo kale, damacyo daqiiqado sidan oo kale ah waa sababta Sanetka Maraykanku u jiro” ayuu yidhi, McConnell oo ka hadlay aragtida Maamus ka xayiibinta Trump ee ay Aqalka hoose ee Dumuqraadigu haysto aqlabiyadiisu meel mariyeen 19 Desember 2019.