Araweelo News Network

Photo FILE – African Union Mission in Somalia (AMISOM) peacekeepers from Burundi patrol after fighting between insurgents and government soldiers erupted on the outskirts of Mogadishu, May 22, 2012.

Kampala(ANN)-Hoggaamiyayaasha Madaxda ka ah wadamadda ciidamadoodu ka tiran yihiin howlgalka Soomaaliya ee AMISOM, ayaa ku kulmi doonaa Magaaladda Kampala ee dalka Uganda, kuwaas oo la filayo inay kaga hadlaan nidaamka ciidamadda Soomaaliya loogu wareejinayo masuuliyadda amaanka ee dalka.

Sidaana waxa lagu sheegay War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Dalka Uganda, iyadoo lagu xusay in shirkaa uu ku baaqay Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.

shirka, ayaa la filayaa in ay ka soo Xaadiraa  wakiilo ka socda guddida midowga Africa, xoghaynta QM, sidoo kale guddida midowga Europe iyo wakiilo ka socda shan xubnood oo ka mid ah xubnaha joogtada ah ee QM.

Hoggaamiyayaasha iyo wakiilada ka qaybgelaya shirkaa, ayaa la qorshaynayaa in qodobada lagaga hadlayo ay ka mid noqdaan waxyaabihii ka qabsoomay qodobo kasoo baxay shir magaaladda New York lagu qabtay Bishii September ee Sanadkii hore 2017.

Dalka Uganda ee lagu qabanayo shirkaa,ayaa ah dalka ay ciidamadda ugu badan ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna Madaxweeyne Yoweri Museveni ku hanjabay inuu kala baxayo ciidamaddiisa ka jooga Soomaaliya.

Halkan Ka Akhri: Midowga Afrika oo Cayimay Waqtiga Ciidammada AMISOM

Howlagalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa bilbaamay sanadkii 2007, kaas oo ujeedadiisa lagu Sheegay sidii nabad iyo deganaansho loogu soo celin lahaa Soomaaliya, waxaana mudada joogitaankooda la kordhiyay dhowr jeer, balse 11 sanadood oo ay Ciidamadda AMISOM Soomaaliya ka howlgalayaan wali. waxay u muuqataa in aan wax weyn oo horumar ah laga samayn Amaanka Soomaaliya, iyadoo weerarrada Al-Shabaab weli ka dhacayaan magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin ciidamadda ugu badan ee AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya, taas oo shaki gelinaysa sababta loo aasaasay ciidamadda AMISOM ee ku sugan Sooomaaliya oo gaadhaya dhawr Iyo labaatan kun oo Askari.

 

2017 Bishii December, waxa ciidamadda AMISOM ee ku sugan Soomaaliya laga saaray  1000 ka mid ah Ciidamadda Soomaaliya jooga, sidoo kale Burundi, ayaa hore iyadu ugala baxday ciidamaddeeda,

Marar badan ayay sheegeen Madaxda Wadamadda Ciidamadda AMISOM ay ka yimaadeen iyo ururadda AMISOM taageera inay ka baxayaan Soomaaliya, taas oo ah arrin ay weli  ka wada hadlayaan sidii AMISOM ay ugala bixi lahayd Ciidamadda Soomalaiyana, Isla markaana Amniga dalka ay ugu wareejin lahayd dawladda Soomaaliya.

July 2016, Ururka Midowga Afrika, ayaa ugu dhawaaqay inay ciidankooda AMISOM ee ku sugan Soomaaliya si rasmi ah ugala baxayaan marka la gaadho bisha October ee sannadka 2018.

Bayaan ka soo baxay xiligaa Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo warbaahinta kula hadlay xaruntooda magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia, ayaa lagu sheegay in muddo laba sanno gudahood ah ciidammada AMISOM ku wareejin doonaan ciidanka maamulka Muqdisho goobaha muhiimka ah ee ay gacanta ku hayaan, askariga ugu dambeeya ciidankooddana la bixi doonaan marka la gaadho sannadka 2020.