Muqdisho(ANN)-Hoggaamiyayaasha mucaardka ee Siyaasada Soomaaliya ee sita magaca Madasha Xisbiyada Qaran, ayaa ku eedeeyay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya in  ay ku fashilmeen qabashada Doorasho hal Qof iyo hal Cod, (One Man One Vote).

Kooxda, ayaa sheegay in aannay xukuumaddu diyaar u ahayn doorasho ku dhacda waqtigeeda oo heshiis lagu yahay, sidaa awgeed waxay ku baaqeen in laysugu yimaado kulan deg-deg ah si looga tashado, isla markaana meel laysla ogolyahay laysula dhigo doorasho ka dhacda dalka iyo nooca ay noqonay doorashadu oo heshiis lagu yahay.

Hoggaamiyayaasha Madasha, ayaa ugu baaqay Baarlamaanka in aannay ansixin qodobo ay soo saareen guddidu, kuwaas oo ay sheegeen in ay yihiin kuwo fowdo iyo qalalaase horseedi kara, waxayna arrimaha iyo kuwo kalae kaga hadleen war-saxaafadeed ay soo maanta oo ku taariikhaysan 20 Jun 2020.

Qoraal saxaafadeedka ay wadajirka usoo saareen oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan:-