Araweelo News Network

Photo file: madaxweynaha Jabuuti iyo Guddoomiyaha xisbiga WADDANI

Photo file: madaxweynaha Jabuuti iyo Guddoomiyaha xisbiga WADDANI

kulankahoggaamiyayaasha somalilandHargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley seddexda hoggaamiye ee axsaabta qaranka oo ay wehelinayaan gudoomiyeyaasha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland iyo gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka ah ee dalka iyo Agaasimaha fulinta. (SONSAF).

Ujeedada kulanka ayaa ahayd in axsaabta qaranka iyo Akaademiga iyo Ururada bulshada rayidka ahi madaxweynaha ku soo celiyaan natiijada shir madaxweynuhu hore ugu soo jeediyey inay inay dibeda kaga soo wada tashadaan go’aanna, ka soo gaadhaan arrinta saami qaybsiga golaha wakiilada ee cakiran.

Gudoomiyaha Akaademiga nabadda iyo horumariinta Maxamed Faarax Xirsi, iyo gudoomiyaha Bulshada Rayidka ah ee Somaliland Mustafe Sacad Dhinbiil oo uu wehelinayo agaasimaha fulinta ee dalladda, Maxamed Barawaani, ayaa Madaxweynaha u akhriyey saddex qodob oo ay sheegeen inay isla qaateen saddexda xisbi qaran iyadoo ay dhexdhexaadinayaan akaademiga iyo SONSAF, 27/07/2016, waxay kala ahaayeen:-

1. In go’aan ka gaadhista saami qaybsiga uu ka dirgan waayey (socon waayey) heshiis ay ka gaadheen saddexda xisbi qaran arrintaasi, sidaas awgeedna au ku celiyaan madaxweynaha oo uu g’aan kama dambays ah ka qaato.

2. In g’aanka madaxweynuhu ka qaato saami qaybsiga kuraasta golaha wakiiladu yahay lama duraan dhinaca saddexda xisbi.

3. In Heshiiskaasi kormeerkiisa iyo markhaatigiisaba ay leeyihiin Akaademiga iyo SONSAF.

Markay shirayaan saddexda xisbi qaran, inkastoo aanay heshiis gaadhin, siyaalaha la soo qaaday in lagu qaybsan karo kuraasta golaha wakiilada waxa ka mid ahaa :-

Ø In lagu galo doorashada wakiilada sidii ay goboladu ku galeen sanadkii 2005

Ø In saami qaybsiga kuraasta wakiilada lagu saleeyo tiro koobka gobolada

Ø In si horleh (si cusub) saddexda xisbi qaran wax ugu heshiiyaan imika oo ah si loo qaybsan karo kuraasta golaha wakiilada

Falanqaynta qodobada sare aan ku soo sheegnay ayaa waxay ka dhasheen daraasado ay ku sameeyeen gobolada iyo cod bixiyeyaasha jooga dhinacyada kala ah golaha wakiilada, axsaabta qaranka, akaademiga Nabadda iyo SONSAF, daraasadahaasi oo caddayay in lixda gobol doorasho mid walba uu aaminsan yahay marka la eego saami qaybsiga kuraasta wakiilada, kan ugu dulman, isla markaana ugu dadka badan Somaliland.

Hoggaanka saddexda xisbi qaran oo uu afkooda ku hadlay gudoomiyaha ahna murashaxa xisbiga kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in cid walba ay weji gabax ku tahay in aan 11 Sano oo xildhibaanada golaha wakiiladu fadhiyeen kuraasta aan xal loo helin saami qaybsiga wakiilada eel agama gudbaanka noqotay.

Waxaanu intaa raaciyey in sddexda xisbi qaran hoggaankoodu wakhti xaadirkan ay ka maageen inay heshiis ay ku midaysan yihiin ka qaataan arrintaasi.

Waxa iyaguna kulanka madaxweynaha ka qaybgalay kana hadlay, wasiirada arrimaha gudaha, Mudane Cali Maxamed Warancade iyo madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay gunaanadkii kulankaasi, inuu ka fiirsanayo go’aanka uu ka qaadanayo arrinta saami qaybsiga wakiilada, dhinacyadana uu xidhiidhin doono, una sheegi doono go’aanka kama dambaysta ah ee uu ka qaato arrintaa, waxaana hadalka madaxweynaha ku jiray “Waan ka fiirsanaynaa, waanan ka wada socon doonaa, waad ku mahadsan tihiin intaad ka soo qabateen iyo inaad nagu soo celiseenba”.

Markii shirku soo dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay gudoomiyeyaasha Saddexda Xisbi qaran, Akaademiga Nabada iyo SONSAF.