Araweelo News Network.

Tigray waxay sheegeen inay Burburiyeen Qayb Muhiim ah Oo Ciidanka ah soona rideen Diyaarad, Xukuumadduna waxay sheegaysaa inay isa soo dhiibeen kuwa dagaalamayaa qaarkood.

Addis Ababa(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Ethiopia, ayaa sheegtay Talaadadii in askarta Tigreega ee ay dagaalka kula jirtay todobaadkii saddexaad qaarkood isa soo dhiibayaan, iyagoo ka faa’idaysnaya xilliga loo qabtay oo ku eeg Arbacada 25 November 2020, isla markaana ciidankoodu kulaalayaan magaalada Caasimada u ah Tigreega ee Mekelle.

Hase yeeshee saraakiisha Tigreega, ayaa sheegaya in aannay sheegashada xukuumadda Federaalka ah waxba ka jirin, isla markaana ciidamadoodu ka dagaalamaya deegaanka ay iska caabinayeen oo ay guulo horleh gaadheen saacadiihii u danbeeyay, isla markaana ay bur-buriyeen qeyb ka mid ah kuwa ugu caansan ciidanka dawladda ee qaybta 21aad.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda ayaa sidaa u sheegay wakaaladda wararka  ee Reuters  , wuxuuna xusay in cutub muhiim ah oo ciidan ah oo ahaa qaybta 21aad lagu bur-buriyey weerar ka dhacay Raya-Wajirat oo uu hogaaminayey taliyihii hore ee qaybtaas hada u dagaalamaya kooxda TPLF.

Magaalada Raya oo ah dhanka Koonfureed ee xuduudaha Tigray ay la leeyihiin axmaarada, ayaa ahayd meel hore loogu muransanaa, waxayna isku xidhaa Magaalada ugu weyn Tigrayga ee Mekelle iyo Ethiopia inteeda kale, waxayna ahmiyad weyn u leedahay dagaalka u dhexeeya Tigreega iyo ciidamada dawladda. Laakiin Afhayeenka ra’iisal wasaaraha Ethiopia  Billene Seyoum ayaa beenisay warkaa.

Muuqaalka diyaarada oo laga baahiyay warbaahinta TPLF 24 November 2020.

Iyadoo saacadihii lasoo dhaafay  ay Sidoo kale, saraakiisha Tigreega sheeganayeen in maanta ay soo rideen diyaarad nooca dagaalka ee loo yaqaan helicopter, balse wararka deegaanka oo adag ma jiraan warar madax-banaan oo xaqiijinaya wararka guulaha ah ee ay sheeganayaan dhinacyadu.

Dhinaca kale, sarkaal u hadlay Millateriga dawladda, ayaa sheegay in ay kulaalayaan magaalada Mekelle oo ay sugayaan ilaa xilliga kama danbaysta ah ee loo qabtay inay isa soo dhibaan oo ay hubka dhigaan dagaalyahanka TPLF iyo saraakiishoodu, taas oo ku beegan maalinta beri ee Arbacada 25 November 2020.

Hase yeeshee Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa ku tilmaamay dalabkaa ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia ee Abiy Ahmed  ugu qabtay 72 saacadood in ay isku soo dhiibaan mid aan marnaba suura gal ahayn oo ay saacadahaa u qabsadeen si ay guuldarada soo waajahday kuwa kusoo duulay dhulkooda ugu urursadaan ciidanka kala go’doonsan, isagoo ula jeeda ciidanka Ethopia ee Federaalka.

Debretsion Gebremichael, wuxuu sheegay in marnaba aannay u hoggaansimi doonin dalabka  Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, taas  badalkeedana diyaar u yihiin in ay dhintaan oo difaacaan dalkooda, isagoo ku booriyay dadka shacabka ah ee Tigreega inay difaacaan dalkooda, wuxuuna isagoo fariin u diraya dadkiisa u sheegay in aannay dhegna u dhigin wararka wuxuu ugu yeedhay cadawgooda doonaya inay qabsadaan oo ay adoonsadaan, taasna ma aqabalayno ayuu yidhi.

Debretsion Gebremichael, wuxuu sheegay in xataa haddii ay qabsadaan ciidamadda kusoo duulay magaalooyin aannay ahayn kuwo is dhiibaya, isagoo carabka ku adkeeyay in ugu danbaynta kuwa guulaysanayaa ay yihiin TPLF.

Ciidanka Federaalka Itoobiya ayaa sheegay in wax ka yar 60 kilomitir u jiraan Mekele, oo ah caasimada Tigreyga, isla markaana ah xarunta kooxda TPLF, laakiin ma jiraan wax xaqiijinaya sheegashada xukuumadda Federaalka ee Ethiopia, iyadoo isgaadhsiinta iyo Telefoonadu hawada ka maqan yihiin saddexdii todobaad ee dagaalku socday.

Dagaalka ayaa sababay in ku dhowaad 40, 000 oo qoxooti ah oo kararay dagaalka ay gaadhaan dalka Suudaan, isla markaana waxa ay warar teel teelka ah ay sheegayaan in kumanaan dhimasho ah ay jirto mudadii dagaalku socday, iyadoo hay’addaha xuquuqda aadamuhu ka qaylinayaan xasuuq ka dhan ah dadka shacabka ah, isla markaana waxa weli socda baaqyada lagu dalbanayo in la joojiyo dagaalka oo sababay masibo bini’aadanimo oo ban.

Dawladdaha Maraykanka, Gerneny, Franca, Britain iyo kuwo ayaa ku baaqaya ku baaqaya xabad joojin aan shuruud lahayn, iyadoo dhinaca kale gollaha amaanka la filayo inuu ka fadhiisto xaaladda dagaalka Ethiopia, kaddib xukuumadda Ra’iisal wasaare abiy oo ku gacansaydhay baaqayadii qaramada Midoobay iyo Midawga afrika ee la doonayay in lagu joojiyo dagaalka.

Sidoo kale, Hay’addaha xuquuqda Aadamaha ayaa ka digaya in taangiyo lagu weeraro magaalooyinka sida Mekelle oo ah caasimada Tigreega, waxayna ku tilmaameen tallaabo noocaas ah mid si cad u muujinay gaboodfal lagu xisabtami doono.

Dhinaca mudaharaadyo lagu dalbanyo in la joojiyo dagaalka iyo xasuuqa ku waajahn deegaanka Togreega iyo shacbiga ayaa ka socda safaaradaha dalalka waaweyn ee New York iyo xarunta qaramada Midoobay, iyadoo boqolaal qof oo Ethiopian, Suudaaniyiin, Ereterian iyo Soomaali ah oo sita boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhegyo ay ka mid yihiin ‘Jooji xasuuqa, Jooji dagaalka Tigreega iyo kuwo kale ay siyeen.