Hargeysa(ANN)- Hoggaamiyayaasha Labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland, ayaa si weyn u canbaareeyay Weerrarkii arxan-darrada ahaa oo Shalay ka dhacay galbeedka Magaalada Muqdisho ee isgoyska Ex-Cantrol Af-gooye, kaas oo sababay dhimashada ku dhowaad boqol qof iyo dhaawaca in ka badab boqol qof, kuwaas oo u badnaa Arday iyo dad kale oo shacab ah oo aan waxba galabsan.

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Weerarkaa ayaa sheegay inay ka xun yihiin khasaaraha ka dhashay Weerrarkaa.

Sidoo kale, Guddoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka hadlay Qaraxaasi ayaa qoraal kooban oo uu Warbaahinta soo gaadhsiiyey ku yidhi, sidan:- “Naxdin iyo tiiraanyo ka weyni ma jirto in la gummaado shacab aan waxba galabsan, Ardaydii ahayd Ubixii soo kacayey, xoogsato shaqo tag ah, runtii waxa aan si weyn u tacsiyadeynayaa ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba qaraxii bahalnimada iyo ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Ilaahay inta dhimatay naxariistiisa janno haka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, waxa aan leeyahay dadka reer Muqdisho ee dhibkaasi soo gaadhay, ha is dhiibina walaalayaal..”

Sidoo kale, Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo kaga hadlay weerrarkaa War-saxaafadeed kooban uu ka hadlayey Qaraxa Muqdisho ayaa u qornaa sidan:-