Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ku dooday in murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbigooda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu yahay mid isku wada bulshada reer Somaliland oo u dabacsan inuu dadkiisa dhegaysto, isla markaana wixii uu ku khaldo laga sixi karayo.
Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah masuuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga WADDANI oo safar cimro ah ku tegay magaalada Makkah ee dalka Sucuudiga, ayaa qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook-giisa, waxa uu kaga hadlay nooca hoggaamiyaha la doonayo inuu gacanta ku dhigo xukunta dalka Somaliland.
“Haddii aannu nahay WADDANI, waxaannu qaranka u wadnaa hoggaamiye dadka isku wadaya, una debecsan, dhegaysanya oo la tashanaaya wixii uu ku khaldamana laga qaban-karayo. Adeer nin aanad qaban karayn maxaad u dhisi? Nin aanad taladaba la gaadhayn amma aan kula tashanayn maxaa kugu khasbaaya? Wuxuu waa doorasho ee cidna kuma khasbanid. Qabyaaladda ha u garba-duubnaan, maskaxdaadana xor u ahow oo yaan cid kale si qaldan kuu isticmaalin. Kaambaynka WADDANI waa “Rajada-Shacabka.” Qaar baa yidhaahda waxaannu wadnaa madaxweyne aan la dhaarin! WADDANI wuxuu wadaa Madaxweyne dhaarsan oo hore Qaranka ugu dhaartay, waanna loogu celin doonaa. (Insha allaahu Guul Waddani iyo Gobanimada dalkeena), Ilaahayna sidii khayr leh ha ina garansiiyo,” ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Waxa kaloo uu ka hadlay kulan ay la yeesheen jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga, isagoo xusay in cidda laga qabayo uu yahay sharciga, balse aanay madaxdu noqon qaar laga cabsoodo oo digtaytaro ah.
“Waxay ahayd xaflad billan oo boqran oo aanu kula kulanay jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Jiddah. Madaxda in laga baqo maaha, sharciga ayaa laga baqaa, digtaytarada (Dictators) ayaa isticmaala in dadkoodu ka baqaan, balse waxa sax ah in madaxda la ixtiraamo, la karaameeyo oo laga danbeeyo. Qur’aanku sidan ayuu u tilmaamay hoggaamiyaha iyadoo lala hadlayo Nebi-Muxamed (SCW) “Naxiista Alle ayaad ugu debecsanaatay, haddii aad noqon lahayd mid adadag oo qalafsan waa lagaa yaaci lahaa.’ Qaar baa ku ammaana madaxda ad-adayga ah!!! Hoggaamiyuhu waa in uu dadkiisa u jilicsanyahay, waana in uu go’aankiisa ku adagyahay, waxaana kala gaar ah in hoggaamiyuhu dadkiisa u jilicsanyahay iyo in uu go’aan jilicsanyahay. Abubakar-sidiiq (RC) ayaa ugu debecsanaa saxaabadii, isagaana ugu go’aamo adkaa islaamkana Ilaahay ku bedbaadiyay xiligii nebigu (NNKHA) uu dhintay ee dhibaatada badanina muslimiinta soo wajahday,” ayuu yidhi Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.