Turkiga Oo Dhulka Jiiday Dublamaasiyada Sucuudiga Kadib Dilka Weriyihii Sucuudiga

Riyadh(ANN)- Hoggaamiyeyaasha caalamiga ah ee ganacsiga aduunka iyo Madaxda Dalalka Britain iyo Mareykanka ayaa shaki geliyay sida ay suurtagal u tahay in ay ka qayb galaan shirweynaha maal-gashiga mustaqbalka ee al filayay inuu bishan Oct, 23-25 ka qabsoomo magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga.

Arrintan, ayaa sbab looga dhigay xiisada ka dhalatay dilka Weriyihii la waayay raq iyo ruux Jamal Khashoggi oo weli la layahay markii uu horaantii bishan galay Qunsuliyada Sucuudiga ee magaalada Istanbuul, taas oo abuurtay xiisad u dhaxaysa Turkiga iyo Sucuudiga, iyadoo maraykanka iyo dalal kale oo reer galbeedka ah ay si weyn u cambaaraynayaan dalka Sucuudiga, kadib markii weriye Khashoggi oo dawladda Turkigu hore u sheegtay in lagu dilay qunsuliyada, balse xukuumadda Sucuudigu ay ku gacan saydhay.

Sidoo kale waddamada reer galbeedka intooda badan ayaa ka hadlay arrinta weriye Jamal Khashoggi, waxayna si wada jir ahi u soo saareen warbixin qoraal ah oo ay ku cambaareynayaan dilka la sheegay in Sucuudigu uu u geystay weriyahaa.
Baaqshada shirkaa dhaqaalaha iyo maalgashiga ku saabsan oo la filayo in bishan uu ka furmo dalka Sucuudiga, ayaa u baaqaday sababo la xidhiidha arrinta weriyaha Sucuudiga u dhashay ee la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay.
Jim Yong Kim oo ah Madaxweynaha Bangiga Aduunka ( World Bank, Jim Yong Kim, ayaa sheegay in aanu ka qeyb gali doonin shirkaa oo sidoo ay qaadaceen warbaahinta caalamiga ah ee sida Financial Times, Bloomberg, CNN iyo CNBC, kuwaas oo dhmmaantood ka baxay iskaashiga dhinaca warbaahinta ee shirwaynaha maalgashiga Riyadh.

Richard Branson meeting with Prince Mohammad, released during the original announcement in October last year Image: Saudi Press Agency

Sidoo kale Maalqabeenka u dhashay Bitain ee lagu magcaabo Richard Branson, oo ah aasaasaha shirkadda Virgin Group, ayaa sheegay in uu joojiyay wadahadaladii maal-gashiga Saudi Arabia oo ku kacayay lacag dhan $ 1 bilyan oo shirkaddiisu maal-gashiga kaga samayn lahayd Saudi Arabia.

Dara Khosrowshahi, CEO, Uber
Carlo Allegri | Reuters

Waxa sidoo kale qaadacay ka qaybgalka shirka Maalgashiga Riyadh qaadacay Madaxa guud ee Uber Dara Khosrowshahi, kaas oo qoraal saxaafadeed uu soo saaray oo lagu shaaciyay CNBC, wuxuu ku sheegay in aanu ka qaybgelayn shirkaa, isagoo xusay inuu sidaa go’aansaday markii ay soo baxay in Weriye weriye Khashoggi lagu dilay Qunsuliyada dawladda Sucuudiga ee Turkiga.

Dhinaca kale, waxa sii kordhaya canbaaraynta dalka Sucuudiga ee ku waajahan dilka Weriyahaa, iyadoo dawladda Turkigu indhaha caalamka ku jeedisay Boqortooyadda Sucuudiga, taas oo sababtay in shaki iyo walaac weyn inuu soo kala dhexgalo xidhiidhka dalka reer galbeedka oo Maraykanu ugu horreeyo iyo wadamada kale ee reer galbeedka, waxaana Madaxweyne Trump uu mar sii horreysay sheegay in Mareykanku uu “ciqaab adag” marinayo dalka Sacuudi Carabiya, wuxuuse raaciyay waa haddii la xaqiijiyo in Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ay mas’uul ka ahayd dhimashada Weriye Jamal Khashoggi, “Haddii ay arrintaasi run tahay oo dhab ahaantii la dilay Weriye Khashoggi, taasi i waa wax “laga argagaxo oo laga yaq-yaqsiyoodo, “Xogta kama dambaysta ah ayaannu heli doonnaa ciqaab adag ayaana jiri doonta,” ayuu yidhi. Trump.

Madaxweyne Trump, waxa uu ku sheegay waraysi uu siiyay CBS News inuu “aad uga xumaan doono ugana cadhoon doono haddii ay arrintaasi dhab noqoto”, hasayeeshee waxa uu uu meesha ka saaray inuu hakin doono qandaraaska milateri ee ballaadhan ee uu Mareykanku kula jiro boqortooyada taas oo uu ku sababeeyay in haddii la joojiyo qandaraaskaa in ay dad baddan oo Maraykan ku dhici doonto shaqo la’aan.

Balse xubno ka mid ah Aqalka Congress-ka  oo ka tirsan labada Xisbi, ayaa soo jeedinaya in la joojiyo heshiiska hubka ee Maraykanku kula jiro dawladda Sucuudiga, iyagoo arrinta dilka Weriyahaa iyo dagaalka Yemen ay ka wado Boqortooyadda Sucuudigu sabab uga dhigay joojinta heshiiskaa.

Dhinaca kale Khashoggi, oo ka soo horjeestay siyaasada dowladda Sucuudiga, ayaa la waayay labadii Oktoobar kaddib markii uu booqday qunsuliyadda dalkaasi uu ku leeyahay magaalada Istanbul, waxaana maalmo kadib dawladda Turkigu sheegtay in lagu dilay halkaa, balse xukuumadda Sacuudiga, ayaa iska fogaysay eeddaha ah inay amartay in la dilo Weriye Jamal Khashoggi, waxayna eeadahaa tilmaantay kuwo been abuur ah, walaw aanay sheegin halka uu ku danbeeyay raq iyo ruux.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Sacuud bin Naaif bin Cabdulcasiis, ayaa war ay ka soo xigatay wakaallada wararka ee Sucuudiga Jimcihii, waxaa lagu sheegay in aanay qabin eeddahaa oo ay yihiin kuwo been abuur ah, boqortooyadu waxa ay sidoo kale danaynaysaa inay qeexdo xaqiiqada dhabta ah, ayaa lagu yidhi, warkaa.

Suduuiga, ayaa markii ay soo baxeen eeddaha lala xidhiidhiyay dilka Jamaal Kashoggi, waxay sheegtay in ay aqbalayso baadhitaan ay ku wada sameeyaan Qunsuliyadda saraakiisha Sucuudiga iyo Turkigu, balse Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mevut Cavusoglu, ayaa sheegay in Sacuudigu aanay weli la shaqeynayn dambi baadhayaasha, isagoo sheegay in aanay weli Sucuudigu u ogolaan baadhayaasha in ay saraakiisha Turkiga y gudaha u galaan Qunsuliyadda.

Saraakiil ka tirsan ciidammada ammaanka ee Turkiga ayaa horre u sheegay in saraakiishu ay hayaan caddeymo maqal iyo muuqaal ah oo qeexaya in Jamaal Khashoggi lagu dilay Qunsuliyadda Sucuudiga.

Sidoo kale madaxa Qaramada Midoobay ayaa waxa uu dalbaday in “runta laga sheego” weriyaha u dhashay dalka Sucuudiga, Jamal Khashoggi, ee la waayay, wuxuuna Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres muujiyay walaaca ka dhashay arrintaa, isagoo xusay inuu ka cabsi qabo inay joogto noqoto in sidaas oo kale dad kale loo waayo oo ay noqoto wax caaddi iska noqda.

Xiisada ka dhalatay Weriyaha caanka ah ee la waayay Jamal Khashkoshi oo weli la layahay markii uu horaantii bishan galay Qunsuliyada Sucuudiga ee magaalada Istanbuul, ayaa abuurtay xiisad sii kululaanay oo u dhaxaysa Turkiga iyo Sucuudiga, iyadoo maraykanka iyo dalal kale oo reer galbeedka ah ay si weyn u cambaaraynayaan weriyahaa oo dawladda Turkigu hore u sheegtay in lagu dilay qunsuliyada, balse xukuumadda Sucuudigu ay ku gacan saydhay.

Kumuu ahaa Jamaal Khashoggi oo wax ku qori jiray Wargeyska the Washington Post?