Khartoum(ANN)-Gen. Cabdi Fataax oo  loo magacaabay madaxa golaha Milateriga eek u meel gaadhka dalka Suudaan, ayaa sheegay in uu sameeyay isbedel lajaan qaadaya dalabaadka shacabka kacdoonka wada ee dalkaa.

Gen. Al Burhaan oo xilkaa loo magcaabay xalay markii uu si lama filaan ah isu casilay Gen. Cawad Bin Cowf oo ahaa wasiirka difaaca iyo guddoomiyaha golaha Melleteriga, wuxuuna hoggaamiyaha Milateriga ee cusub ku dhawaaqay in uu qaaday xaaladdii degdegga ahayd ee dalka lagusoo rogay laba maalmood kadib markii Inqilaab Melleteri lagu riday dowladdii uu madaxda ka ahaa Cumar Xasan Al Bashiir.

Bin Cowf, ayaa  xalay ka akhriyay Telefeshinka Afka dowladda ku hadla, qoraal uu ku sheegayo in uu ka tanaasulay xilkii uu hayay si looga fogaado khilaaf iyo kala qeybsanaan hor leh,  wuxuuna ugu baaqay dhammaan saraakiisha golaha Melleteriga in ay la shaqeeyaan hoggaanka cusub.

Kumanaan  qof ayaa dabaal degyo ka dhigay magaalada caasimadda ah ee Khartoum saacado kadib markii uu iscasilaadda ku dhawaaqay Jeneraal Bin Cowf, dadka ayaa ku qeylinayay Erayo ay kamid ahaayeen “Kii labaad ayaa dhacay” oo ay ula jeedaan in Jeneraal Cawad oo ahaa ninka 2aad ee ku xigay Al Bashiir.

Hoggaamiyaha cusub ee Gen. Al Burhaan ayaa amar ku bixiyay in lasii daayo dhammaan maxaabiista ku xidhan xabsiyada dalka Suudaan ee lagu qabtay Kacdoonka Afarta  Bilood socday  ee lagu doonayo in lagu rido nidaamka Melleteriga ah.

Taliska cusub ee talada lawareegay,  ayaa ugu baaqay hoggaamiyaasha hor boodaya kacdoonka shacbiga ah in ay isu diyaariyaan wadahadal,  isagoo amaanay sida shacabku uga dhiidhiyeen Nidaamkii Al Bashiir ee madaxa adkaa.

Dhinaca kale Taliyihii Sirdoonka Suudaan Salaax Qoosh ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay, Golaha Melleteriga, waxayna sheegeen  in ay aqbaleen iscasilaadda Qoosh.

Gen.  Saalaax Qoosh, wuxuu kamid ahaa saraakiishii gacanta midig u ahaa Al Bashiir, waxaana uu ahaa Nin ku adag in Al-Bashiir sii haysto xukunka oo aan la dhegeysan dibad baxyada, sidoo kale Gen. Qoosh, ayaa  lagu eedeeyay inuu dhowaan la kulmay madaxa sirdoonka Yahuudda.