Ceergaabo(ANN)-Col. Siciid Cawad Caarre oo ah hoggaamiyaha Jabhada la baxday Dulmi-diid ee ku sugnaa Buuralayda dhanka Woqooyi ee Magaalada Ceergaabo, ayaa shaaciyay inuu si rasmi ah ugu wareejiyay Malayshiyadiisa Salaadiinta, Odayaasha iyo Waxgaradka dhex-dhexaadinta ka waday jabhadiisa iyo xukuumadda Somaliland.

Col. Siciid Cawad oo dhigay Dirayska Tuutaha, isla markaana xidhan dharka lebiska Odayaasha oo aan looga baran, wuxuu dhexda ugu jiraa koox ka mid ah Malayshiyadiisa uu wareejinayo, 2 Jan 2020 Daalllo duleedka Woqooyi ee Ceergaabo, Araweelo News Network.

Col. Siciid Cawad oo dhigay Dirayska Tuutaha, isla markaana xidhan dharka lebiska Odayaasha oo aan looga baran, wuxuu sidaa kaga dhawaaqay munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay sinta Buurta Daallo ee duleedka Woqooyi ee Magaalada Ceergaabo oo ay ku sugnaayeen Salaadiinta iyo Odayaasha ku jiray dhex-dhexaadinta Col, Caarre iyo xukuumadda Somaliland, kuwaas oo dhawrkii bilood ee sannadkii tegey ku hawlanaa sidii loo soo af-jari lahaa arrintaa.

Col. Siciid Cawad oo dhigay Dirayska Tuutaha, isla markaana xidhan dharka lebiska Odayaasha oo aan looga baran, wuxuu dhexda ugu jiraa koox ka mid ah Malayshiyadiisa uu wareejinayo, 2 Jan 2020 Daalllo duleedka Woqooyi ee Ceergaabo, Araweelo News Network.
Col. Siciid Cawad oo dhigay Dirayska Tuutaha, isla markaana xidhan dharka lebiska Odayaasha oo aan looga baran, wuxuu dhexda ugu jiraa koox ka mid ah Malayshiyadiisa uu wareejinayo, 2 Jan 2020 Daalllo duleedka Woqooyi ee Ceergaabo, Araweelo News Network.

“Maalinta waa maalin taariikhi ah, waxaan maanta idinku wareejiyanaa ciidankii Jabhadii Dulmi-diid oo Afar fadhi ah, si dhab ah oo mugleh ayaan idiinku wareejinayaa, iyagoo saraakiishooda iyo aqoonyahankooda wata, idinkana waxaan idiin sheegayaa, saraakiishaa waa kusoo tacabnay ee inaa halkoodii gaadhsiisaan.” ayuu yidhi, Col. Caarre oo ka hadlayay munaasibadaa.

Col. Siciid Cawad oo Malayshiyadiisa hormadii u horraysay ku wareejinaya Odayaasha Deeggaankisa, 2 Jan 2020 Daalllo duleedka Woqooyi ee Ceergaabo, Araweelo News Network.
Col. Siciid Cawad oo Malayshiyadiisa hormadii u horraysay ku wareejinaya Odayaasha Deeggaankisa, 2 Jan 2020 Daalllo duleedka Woqooyi ee Ceergaabo, Araweelo News Network.

Mar uu ka hadlayay tirada ciidamada uu wareejinayo iyo halka ay ku kala sugan yihiin, wuxuu yidhi, ” Hal Fadhi oo Tigniko ah iyo Hal Fadhi oo Ciidamada lugta ah, laba fadhi waxay jiraan xeebta, waxaa Taliye Guutayaal ka ah, Yaasiin Xuseen Xasan, oo mutaystay (Gaashaanle dhexe Mr Seyid) iyo Cumar Jimcaale Dirir oo isna Gaashaanle dhexe mutaystay. labadaa fadhi waxay joogaan shugux-shugux iyo Ceellaamato, waxa jira Hal Urur oo Bohol Joogay oo caawa soo soo gelaya Ceel-lamaan (Duleedka Bari ee Ceergaabo), isagana indhihiina ayaa ku araki doontaan, tirada ciidanku waa 800 (Sideed boqol oo ciidanka Lugta ah) iyo 100 Tigniko ah.” ayuu yidhi, Col. Caarre.

Muuqaalka Munaasibada Col. Siciid Cawad oo Malayshiyadiisa hormadii u horraysay ku wareejinaya Odayaasha Deeggaankisa, 2 Jan 2020 Daalllo duleedka Woqooyi ee Ceergaabo, Araweelo News Network.
Muuqaalka Munaasibada Col. Siciid Cawad oo Malayshiyadiisa hormadii u horraysay ku wareejinaya Odayaasha Deeggaankisa, 2 Jan 2020 Daalllo duleedka Woqooyi ee Ceergaabo, Araweelo News Network.

Wuxuuna fariimo dar-daaran ah u kala diray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Taani, isagoo ugu baaqay inay caddaalad sameeyaan. sidoo kale Madax-dhaqameedka Odayaasha iyo wax-garadka ku hawlanaa arrinta wuxuu ku booriyay in aanay arrinta nabada halkaa kaga hadhin, isla mar kaana ay ka shaqeeyaan sidii Ciidanka uu wareejiyay u heli alhaayeen caddaalad iyo xaq-soor, isla markaana loo siin lahaa derejooyinka ay u qalmaan.

Qaar ka mid ah Odayaasha Madaxdhaqameedka kala wareegay Col. Caarre Malayshiyada, 2 Jan 2020 Daalllo duleedka Woqooyi ee Ceergaabo, Araweelo News Network.
Qaar ka mid ah Odayaasha Madaxdhaqameedka kala wareegay Col. Caarre Malayshiyada, 2 Jan 2020 Daalllo duleedka Woqooyi ee Ceergaabo, Araweelo News Network.

Geba-gebadii waxaa halkaa ka hadlay Suldaan Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Aw Good) oo ah Guddoomiyaha Guddida Dhex-dhexaadinta Jabhada Col. Caarre iyo Xukuumadda Somaliland, Boqor Maxamed Nuux iyo Maayarka Ceergaabo, Ismaaciil Xaaji Nuur, ildhibaan Jaamac Jibriil Dheeliya oo ka mid ah Golaha deegaanka Ceergaabo, oo uga mahad celiyay Col. Caarre inuu aqbalo nabadii oo ku wareejiyo, wuxuuna Maayar Ismaaciil xusay inay bixitaanka Ciidanka keentay tabasho, sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay Xukuumadda Somaliland in aanay tabasho danbe ka iman.

Suldaan Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Aw Good) oo ah Guddoomiyaha Guddida Dhex-dhexaadinta Jabhada Col. Caarre iyo Xukuumadda Somaliland iyo Maayarka Ceergaabo, Ismaaciil Xaaji Nuur, 2 Jan 2020 Daalllo duleedka Woqooyi ee Ceergaabo, Araweelo News Network.

Sidoo kale, waxa munaasibadaa hadalo ka jeediyay Xildhibaan Bukhaari oo ka tiran golaha wakiiladda Somaliland iyo Odayaal iyo waxgarad kale oo uga mahad celiyay Col, Caarre inuu ugu danbayntii aqbalo nabada, waxayna balanqaadeen inay gaadhsiinayaan Madaxweynaha Somaliland fariinta Col. Caarre iyo dar-daaranka uu faray.

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah Golaha Wakiiladda Somaliland iyo Xildhibaan Jaamac Jibriil Dheeliya oo ka mid ah Golaha deegaanka Ceergaabo, 2 Jan 2020 Daalllo duleedka Woqooyi ee Ceergaabo, Araweelo News Network.

Dhinaca kale, ma jirin munaasibadaa cid ka socotay Xukuumadda Somaliland oo ka qaybgashay, isla markaana Ciidamada uu sheegay Col. Caarre inuu ku wareejiyay Odayaasha ee uu kaga dhawaaqay tiradooda halkaa ayaan ku wada sugnayn madasha munaasibada loo qabtay hawsha nabadaynta.

Balse sida ay shebekadda wararka ee Araweelo News Network, u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Odayaasha dhex-dhexaadinta, waxa la sugayaa munaasibad ballaadhan oo ay ka qaybgalaan masuuliyiinta xukuumadda Somaliland iyo Saraakiisha Ciidamadda oo ay xukuumaddu kula wareegayso malayshiyada uu wareejinayo Col. Siciid Cawed , taas oo loo balamay saacadaha soo socda.