Araweelo News Network.

TPLF, Debretsion Gebremichael Muxuu Ka Yidhi  Guusha Xuukuumadda Ethiopia ee Dagaalka?

Addis Ababa(ANN)-Hoggaamiyihii Jabhadda Xoraynta Dadka Tigray (TPLF), Debretsion Gebremichael, ayaa ugu baaqay ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed inuu joojiyo wuxuu ku tilmaamay waali, wuxuuna ugu baaqay inuu ciidamadiisa kala baxo deegaanka Tigray, maadaama uu sheegay inuu dagaalku sii socdo dhinac walba.

 

 

Debretsion Gebrehmichael oo ah xilligan kacdoonka TPL, ee Ethiopia, wuxuu hadalkiisu kusoo beegmay laba maalmood ka dib markii ay dowladdu ku dhawaaqday in ay guul ka gaadhay dagaal Afar todobaad socday oo u dhexeeyay ciidamada Federaalka Ethiopia iyo kuwa TPLF.

 

Waxa jiray warar saacadihii u danbeeyay soo baxayay oo sheegayay in Hoggaamiyihii TPLF,  Debretsion Gebrehmichael u baxsaday dhanka dalka ay jaarka yihiin ee South Sudan, halkaas oo ay isaga iyo saraakiil kale doonayaan inay kula kulmaan Madaxweynaha Dalka Masar  Abdel Fattah el-Sis doonayaan inay kula kulmaan si ay taageero u weydiistaan, waxayna arrintaasi sababtay in xidhiidhka dublamaasiyadeed ee Ethiopia iyo South Sudan xumaado, iyadoo Ethiopia u sheegtay dublamaasiyiinta Juba eek u sudan Addis Ababa inay kaga baxan dalka mudo 72 saacadood ah.

 

Hase yeeshee Debretsion Gebremichael oo waraysi khadka telefoonka ku siiyay wakaaladda wararka ee Associated Press Isniinta 30 November 2020, ayaa sheegay inuu weli ku dhow yahay caasimadda Tigray, Mekelle, oo ciidanka Federaalka ee Ethiopia sheegeen inay qabsadeen Sabtidii oo ay gacanta ku hayaan.

 

Debretsion Gebremichael, ayaa guusha xukuumadda Federaalka ee Ethiopia ee Abiy sheegay ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, wuxuu sheegay in dagaalku aannu dhamaan oo “waxaan hubnaa inaan guuleysan doono” ayuu yidhi, isagoo tilmaamay in Dagaalku ku saabsan yahay aayo-ka-tashiga gobolka Tigray oo ay ku nool yihiin illaa lix milyan oo qof, “Dagaalku wuu sii socon doontaa illaa iyo inta kuwa soo duulay ay ka baxayaan”ayuu yidhi, Debretsion Gebremichael oo ah hoggaamiyaha TPLF.

Fariinta qoraal ah oo ahayd ee Axaddii Debretsion Gebremichael u diray wakaaladda wararka ee Reuters, wuxuu sidoo kale  ku sheegay in ciidamadoodu ay soo rideen diyaarad dagaal oo ciidamada Ethiopia ah, isla markaana ay qabteen duuliyihii diyaraadaa.

Sidoo kale mar uu Debretsion Gebremichael Fariin qoraal ah usoo diray wakaaladda wararka ee Reuters, wuxuu yidhi, “Waxaan ku dhawahay magaalada Mekelle ee Tigreega oo aan kula dagaallamayo kuwa kusoo duulay,” Gebremichael ayaa ugu sheegay wakaaladda wararka ee Reuters fariinta qoraalka ah, in sheegashada dawladdu tahay mid been ah.

 

 

Dhinaca kale, waxa jira warar sheegaya in dagaalo kulul ay ilaa shalay gelinkii danbe ilaa xalay ka bilaabmeen ilaa 7 magaalo oo deegaanka Tigray ah, kuwaas oo u badan Woqooyiga Mekelle iyo magaalooyin dhanka Koonfurta iyo Woqooyiga gobolka Tigray ah, isla markaana ay qaar ka mid ah magaalooyinkaa dib u qabsadeen kooxda Jabhada TPLF, ee Tigray, sida ay sheeganayaan.

Balse xukuumadda Ethiopia ayaan ka hadlin wararkaa, iyadoo aannay weli jirin isgaadhsiinta iyo Telefoonada oo maqan gobolka tan iyo bilawgii dagaalka horraantii November 2020, waxaana jirta qaylo-dhaan ka imanaysa hay’addaha gargaarka oo ka dayrinaya xaaladda gobolka ee dhanka adeegyada caafimaadka iyo cuntada.

 

Hay’addaha xuquuqda Aadamaha ayaa hore uga qayliyay xasuuq, tacadiyo iyo gabood-falo ka dhacay deegaanka iyo kuwo kale oo laga cabsi qabo inay dhacaan inta xaaladda dagaalku socdo, waxaana jira Boqolaal kun oo qof oo ka qaxay mudadii uu socday dagaalku, kuwaas oo u cararay dhanka dalka Suudaan, iyadoo hay’adda Qoxootiga Aduunka ee UNHCR, dalbanayso gargaar deg deg ah, si loo samata bixiyo dadka kasoo cararaya dagaalka ka socda gobolka Tigray ee dalka Ethiopia.

 

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com