Maxaabiista Somaliland ee la Cafiyey intaa ka badan ayaa Loo baahanyahay inta lagu Jiro Dagaalka COVID-19


Hargeisa(ANN)-Hargeisa, (ANN)-Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Horizon oo fadhigeedu yahay Somaliland, ayaa ka hadashay xaaladda xilligan ee Maxaabiista Somaliland iyo cafiskii Madaxweynaha Somaliland u fidiyay dhowaan maxaabiis ku dhowaad lix boqol oo maxbuus ah, kuwaas oo ay sheegeen in aan lagu darin kuwo ay lagama maarmaan ahayd in lagu daro.

Warbixin kasoo baxday Xafiiska Horizon ee Magaalada Hargeysa oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News News Networ, ayaa lagaga dalbay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in aannay weli dhowayn oo ay xabsiyada ku jiraan kuwo u baahan cafis.

Sidaa awgeed waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Somaliland innuu soo saaro cafis kale, si aannay xaaladda xilligan laga cabsiqabo caabuqa COVID-19, aannay saamayn xun ugu yeelan nolosha maxaabiista oo awalba adeegyo caafimaad aan haysan.

Wrabixinta, ayaa lagu bilaabay sidan:-

Somaliland Caabuqa Coronavirus ee dilaaga ah sida xawliga ahna u faafaya, qofkasta oo adduunaka korkiisa ku nool waxa laga filayaa in uu la yimaado dedaal ha noqoto mid shakhsi ah iyo mid wadareedba.

Hoggaamiyaasha adduunka, heer kasta oo ay yihiin waxaa ku socda imtixaan annay horre u soomarin abid.

Waqtigan waxa is beddelay duruufihii caadiga ahaa ee lagu shaqayn jiray. Dadka mindida daabkeeda haya ee ay saarantahay masuuliyadda illaalinta dadka tabaalaysani waa in si aan gabbasho lahayn oo dib-u-dhaclahayn, islamarkaana xooggooda oo dhangeliyaan sidii ay u illaalin lahaayeen dadkaas.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuu aqbalay codsigaa ka dib markii uu 1 April 2020 cafis u fidiyey 574 maxaabiis ah, isaga oo gaashaan u noqday dadka ku xidhan xabsiyada Somaliland, saraakiisha ciiddanka asluubtu waxa ay daryeelaan maxaabiista, iyo bulshada ku hareeraysan. 

31-kii March 2020 ka dib markii lagu dhawaaqay in kiisaskii ugu horreeyey ee COVID-19 laga helay Somaliland, coronavirus khatartiisu waa mid aan ka imanayn dibadda oo kaliya, tallaabadanina waxay timi waqtigii ku munaasibka ahaa.

Nasiib darro, cafiskani muugaadhin saameyntii la rabay ee ahayd in la yareeyo cidhiidhiga ka jira xabsiyada. Xabsiyada iyo saldhigyada booliskuba waxa ay siihayaan tiro badan oo dad ah.

Dadka xabsiyada ku jiraa waxa qolkiiba lagu lagu xidhaa tobanaan kale oo dad ah, iyaga oo ay aad ugu yartahay agabka nadaafadda iyo fayo-dhawrku sida saabbuunta. Way adag tahay duruuftaas awgeed in la raaco hannaanka kala fogeynta dadka iyo fayo-dhawrka suubban.

Haddii coronavirus uu soo galo xabsiyada, si degdeg ah ayuu u fidikaraa. Hay’adda Horizon waxa ay baahinaysaa warbixintan si ay hoosta uga xarriiqdo xaqiiqada aan indhaha laga qarsan karin ee ah in loo baahanyahay in la qaado tallaabooyin dheeraad ah, kuwaas oo u baahan in hadda lagu tallaabsado.

Sida uu dhigayo Xeerka Somaliland, codsiga cafiska waxa soo gudbiya Xeer-ilaaliyaha Guud, in kasta oo go’aanka kama danbaysta ah uu qaato Madaxweynuhu.

Waxa dhaqan soo jireen ahaa in Madaxweynuhu cafis u fidiyo maxaabiista dhammaadka Bisha Barakaysan ee Ramadaan. Xannuunkan COVID-19 ayaa daruuri ka dhigaya in la soo hor-mariyo waqtigii uu madaxweynu fidin jiray cafiska sannadlaha ah.

Warqad uu soo saaray Xeer-ilaaliyaha Guud 25-kii March 2020, kuna socotay Taliska ciidanka Asluubta waxa uu tilmaamo cad ku siiyey cidda mudan cafiska madaxweynaha duruuftan aan caadiga ahayn ee uu sababay COVID-19.

Warqaddu waxa ay xusaysay in maxaabiista ku xukuman danbiyada heerkoodu hooseeyo ( oo ay ka reebbanyihiin dilka, isku-day dil, dhaawacweyn, danbiyada ka dhanka ah qaranka, kufsiga, ka ganacsiga mukhaadaraadka, iyo danbiyada kale ee culus) ay ku jirikaraan, shardiga ku xidhaninayahay in ay dhammaysteen kala badhxukunkoodii.

Sidoo kale maxaabiista dhammaystay mudadii xukunka balse xabsiga ugu siijira Xuquuq-madani ah in lagu darikaro haddii lacagta lagu leeyahay ka yartahay $10,000. Warqaddu waxa ay xaq u siinaysaa in dhibanayaashii lacagtaa lahaa in ay dacwaddooda ay magdhawga ku helayaan ka sii wadan karaan maxkamaddaha medeniga ah.

Iyada oo la tixgelinayo duruufta adag ee soo waajahaysa xabsiyada, Horizon uma aragto cudur-daar in lagu sii adkaysto in maxaabiista ku eedaysan danbiyada fudud lagu sii hayo xabsiyada, iyadoo sabab looga dhigayo in aannay dhammaysan kala badh mudadii xukunkooda.

Siyaasaddani tiro badan oo maxaabiis ah ayay ku sii haynaysaa xabsiga, oo ay ku jiraan carruur. Xabsiga Boorama, koox dhallinyaro lix ka kooban oo lagu helay isku-day dhaawacyo boob kamay faa’iidaysan fursaddan sababtoo ah hal bil ayaa uga hadhsanaa kala badhkii mudadii ay ku xukunaayeen oo lix billood ahayd.

Qodobka ah in maxaabiista loo haysto Xuquuqda-medeniga ahi aannay ka faa’iidaysan fursaddan illaa ay dhammaystirtaan mudadii xukunkoodu waa mid fahankeedu adag yahay.

Sidoo kale habka fullinta cafiska waxaa ka taaggan cabashooyin aan la dhayalsan karin. Maxbuuskasta oo dhammaystay xukunkiisa/xukunkeeda oo lagu leeyahay in ka yar $10,000 dhab ahaantii lama siideyn. Horizon waxa ay ka war haysaa tiro maxaabiis ah, kuwaas oo ka faa’iidaysan lahaa cafiska, oo qoyskooda loo sheegay in la siin deynayo, oo illaa hadda ku jira xabsigii. Waxaa kamid ah laba dhallinyaro ah, mid kamid ahi yahay ciyaalka darbi-jiifka, oo lagu helay in uu jabiyey muraayad-haadka gaadhi. Qoysaskoodu ma awoodaan in ay iska bixiyaan $195 dollar ee magdhawga la siinayo dhibanaha. Aabbaha dhalay mid ka mid ah labada wiil ayaa sheegay in aanu lacagtaa bixin Karin maadaama oo aannu wax shaqo ah haysan.

Xabsiga Boorama, ma jiro maxbuus loo haysto Xuquuq-madani ah oo la cafiyey, oo uu ku jiro nin lagu helay danbiga xatooyo kaasoo in ka badan halsanno muddo-dhaaf ugu xidhnaa isaga oo lagu leeyahay in ka badan $8,000 oo mag-dhaw ah. Burco, wiil dhallinyaro ah oo dhammaystay August 2019, mudadii xukunkiisa oo loo haystay xatooyo laguna leeyahay $1,603 waa laga saaray liiska dadka cafiska loo fidinayo sabab la’aan. Xabsiga Gabiley, guudahaan 58 maxaabiis ah ayaa la amray in la cafiyo. Xabsiga waxaa intaa kadib amar lagu siiyey in aan la siidayn 3 ka mid ah maxaabiistii maadaama lagu leeyahay Xuquuq-madani ah.

Haddii ujeedada ka danbaysa cafiska 574 maxaabiista ah uu ahaa in la dhimo tirade maxaabiista, weli may suurtoobin arrintaasi. Dadka xukuman ee ku jira saldhigyada booliska, sababta loo geeyayna ahayd in meel looga waayey xabsiyadu, lagu mandarin cafiskan.

READ: A crisis affecting life in Somaliland since before the coronavirus is irregular migration | Araweelo News Network

Hadda waxa loo wareejiyey xabsiyada, iyaga oo lagu buuxinayo qolalkii kuwii hore laga siidaayey. Illaa 1-dii April 2020, xabsiyada Hargeysi waxa ay qaabileen ku dhawaad 250 maxaabiis oo cusub oo laga keenay saldhigyada booliska. Xabsiga Mandheera oo 250 ka mid ah lagu siidaayey cafisku, waxa uu qaabilay ku dhawaad 200 maxaabiis cusub ah, oo ay ku jiraan 129 laga soo wareejiyey Xabsiga Hargeysa, saldhigyada booliska Hargeysa iyo degmooyinka Gobolka Saaxil.

Intooda badan waa carruur. Xabsiga Boorama 15 kaliya ayaa la cafiyey halka ay ka qaabileen ku dhawaad 50 maxaabiis cusub ah oo ay kujiraan ku wadaad 20 garsugeyaal ahi. Xabsiga Gabiley waxa uu qaabiley 15 maxaabiis cusub ah oo ay kujiraan 3 haween ah oo laga soo wareejiyey saldhigga Daloodho ee Hargeysa. Haweenkani way dhammaysteen muddadii xukunkooda, balse waxa ay xabsiga ugu sii jiraan iyaga oo iska bixin kari waayey Xuquuq-madani ah oo ka badan $25,000.

READ: Somaliland: Woman 8-Months Pregnant Released from Wajale Police Station

Duruuftaas way ka simanyihiin xabsiyada Somaliland. Dadkii cafiska lagu sii daayey waxa lagu baddelay dad kale oo laga soo wareejiyey saldhigyada booliska. Ama dad cusub oo la soo xidhay oo sugaya in dacwaddooda la dhegaysto.

Xabsiga Burco waxa uu qaabiley 12 maxaabiis cusub ah oo sugaya in dacwaddooda la dhegaysto illaa 1-da April. In kasta oo ay dedaal weyn muujiyeen saraakiisha xabsiyadu ay u xaqiijiyaan in dhammaan dadka uu cafisku koobsanayo la siidaayo, balse islaxaaladdii hore oo kale ayaa soo waajahaysa. Xabsiyadii cidhiidhigii kamay bixin, cabsidii COVID-19 weli way taaggan tahay. Dadka qadhaadhka dhadhamindoonaa waa maxaabiista iyo hawl-wadeenada xabsiga haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin.

In kasta oo boqolaal maxaabiistii xukunnaa ee ku jiray saldhigyada booliska loo wareejiyey xabsiyada, qaar cusub ayaa la soo xidhaa oo lagu hayaa saldhigyada booliska.

Laga soo billaabo waqtigii cafiska 1-dii April, waxana soo gaadhay tiro kiisas cusub oo u baahan kaalmo sharci oo ku xidhan saldhigyada booliska Hargeysa. Tusaale ahaan, waxaaan hadda kaalmo u fidinaynaa lix dhallinyaro ah oo lagu hayo Saldhigga Koodbuur oo lagu soo eedeeyey in ay bulshada dhexdeeda ku dagaalameen ku waa soo boolisku soo qabteen 4-tii April. Saldhigga Macallin Haaruun, la taliyaasha sharcigayagu waxa ay ka shaqaynayaan kiis shan dhallinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 16 iyo 18 jir kuwaa soo la soo xidhay laguna eedeeyey in ay bulshada dhexdeeda ku dagaalameen 6-dii iyo 7-dii April. Waxaaan shakiku jirin in ay daruuritahay in xadhigdhaco inta ay socoto aafada coronavirus.

Balse waa in saraakiisha booliiska la siiyaatilmaamo ah in ay yareeyaan xadhiga, gaar ahaan carruurta iyo kooxa kale ee daryeelka gaarka ah u baahan.

Arrintani waa muhiim gaarahaan inta lagu gudajiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan qaar badan oo garsooreyaasha ah ayaa qaata fasax taas oo sababta in ay is dhimaan dacwadihii la dhagaysanlahaa. Arrintanoo ka dhigan in ay maxaabiistu ku xannibnaadaan saldhigyada booliska iyaga oo sugaya dhegaysiga dacwaddooda illaa bisha June.  Arrintani waa mid aad u khatar badan inta ay jirto aafada COVID-19.

COVID-19 maaha khataraan la arkayn “oo ka dhacaysameel kale kuna dhacaysa dad kale”. Waa halis ka jirta Somaliland. Ma joogno xilligii aynu meesha adag ka istaagi lahayn danbiyada. Waa xilligii aynu meesha adag ka istaagilahayn COVID-19. Waa xilligii aynu isku naxariisan lahayn, islamarkaana tallaabo adag ka qaadan lahayn sidii loo yarayn lahaa tirada maxaabiista ku xidhan xabsiyada iyo saldhigyada Booliska Somaliland. 

Waxa aanu ugu baaqaynaa Madaxweyne Biixi in uu soo saaro wareegto kale oo cafis ah annaga oo ka codsanayna in uu cafiskaa kudaro maxaabiista ku xidhan xabsiyada iyo saldhigyada Booliska labadaba.

Maxaabiista xukuman ee aan geysan danbiyada culus waa in lagu daraa ama ha dhammaysteen kala badh mudadii xukunkooda ama yaanay dhammaysane.

Dammaandadka loo hayo Xuquuqda-madani ah ee ka yar $10,000, waa in lagudaraa ama ha dhamaysteen mudadii xukunkooda, ama yaanay dhammaysane. Kuwa aadka u tabaalaysan–carruurta xabsiga kujirta, dadka waaweyn, haweenka, dadka la taagta darran xannuunada dhimirka iyo maxaabiista xanuunada kale la il-daran–waa in mudnaanta la siiyaa.

Hannaanka maxaabiista lagu siideynayana waa in dib-u-eegis lagu sameeyaa si kuwa cusub ee la soo xidhayana ayna u buuxin goobihii ay ka baxeen kuwii hore. Horizon sidoo kale waxa ay soojeedinaysaa in hawl-wadeenada xabsiyada, iyo ciidamada asluubta laga latashadaa liiska ugu danbeeya ee dadka uu Xeer-ilaaliyaha Guud u gudbinayo Madaxweynaha.

Tallaabada ay Somaliland haddaqaadaysaa waa mid qaabeyndoonta mustaqbalka. Hay’adda Horizon waxa ay ku bogaadinaysaa Madaxweyne Biixi tallaabada uu illaahadda qaaday waxayna ugu baaqaysaa in uu siiwado dedaakiisa uu ku illaalinayo kuweena tabaalaysan–maxaabiista xabsiyada kujirta iyo kuwa saldhigyada lagu hayo–kagana badbaadiyo xanuunka coronavirus.

Hay’adda Horizon waxa aanu samaynaynaa dedaalkasta oo aanu ku caawin karno sidii loo yarayn lahaa tirade dadka ku xidhan saldhigyada booliska iyo xabsiyada. Waxa aannu samaynay layman bilaa lacag ah oo aad ku heli kartaan adeegga kaalmada sharci (063 6282434/ 063 6282435/ 063 6282436/ 063 6282437/ 063 6282438/ 063 6282439), si aannu u caawino dadka qaraabadoodu xidhanyihiin. 


Hay’adda Horizon oo ka shaqaysa sidii loo horumarin lahaa sarraynta sharciga iyo xuquuqal insaanka. 

Horizon Institute is a Somaliland NGO working to advance the rule of law and human rights.

info@thehorizoninstitute.org