“Diidmada Xukuumadda ee ah in dib loo soo celiyo Isgaadhsiinta ayaa halis galinaysa Caafimaadka Dadweynaha Ethiopia”Human Rights Watch (HRW).


Accra- Ghana(ANN)- Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch, ayaa ka digtay xaaladda Malaayiin Ethiopian ah oo aan helin wararka la xidhiidha wacyigelinta Fayriska Coronavirus, kadib xayiraad ay Xukuumadda dalka Ethiopia kusoo rogtay dhawr bildood la hor.


Warbixin ay soo saartay Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch , qaybteeda Afrika oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebekadda Araweelo News Networ, waxa lagu yidhi, “Markasta oo aad u baahato inaad samayso sidii aad gurmad Caafimaad u dabato gudaha Ethiopia, waxaad heleysaa farriin kaa caawinaysa inaad wax ka barato Coronavirus oo ku saabsan ka hortagga Coronavirus – laakiin taasi waxay kaliya caawinaysaa haddii aad awoodo inaad inaad u yeedhi karto kooxaha gurmadka, ama Caafimaadka.” ayaa lagu yidhi, warbixintaa oo ay diyaarisay haweenayda Laetitia Bader oo ah Baadhayaasha Sare ee Human Rights Watch u qaabilsan Qeybta Afrika.

“Malaayiin Ethiopian ah, ayaa ku hoos nool xayiraad muddo billo ah, kuwaas oo ay dowladdu ku soo rogtay in aanay isticmaalin adeegsiga internetka iyo Telefoonnada, waa galbeedka deeganka Oromada oo mugdi looga saaray khataraha caafimaad ee jira”. ayaa lagu yidhi, warbixinta.

“Xitaa ka hor intii aannay Ethiopia xaqiijin kiiskeedii u horreeyay ee Coronavirus, 13-kii March, dadka ku nool halkaas gobolka Oromada ee galbeedka oo millateriga ay ka sameeyeen hawlgal ka dhan ah xoogag fallaago ah, ayaa la kulmay caqabado waaweyn. Gaadhitaanka daryeelka caafimaadka ayaa aad u xaddidan, gaar ahaan kuwa jooga meelaha miyiga ah.


Waxaan dhowaan la hadalnay nin bishii July, maalmo uga yeedhay Cusbitaallada Galbeedka ee deegaanka Wellega, isagoo raadinaya sidii hawo-mareenka loogu furi lahaa walaashii oo u dhimaneysay cudurka sambabka; wayse noolaan weyday. Sababtoo ah xannibaadaha dowladda, kooxaha gargaarka caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ma awoodaan inay la socdaan cudurrada faafa ama ay bixiyaan kaalmo ku filan deegaankaa.” ayuu lagu yidhi, Warbixinta.

Dhinaca kale, waxa dawladda Ethiopia lagu amaanay inay bilawday inay hirgaliso talaabooyin kale oo aasaasi ah si kor loogu qaado wacyiga iyo ka hortaga faafitaanka viruska COVID-19, iyadoo lagu xusay warbixintaa in Wasaaradda Caafimaadka Ethiopia ay bixiso cusboonaysiin joogto ah, oo ay ku darto luqadda dhegoolayaasha aaladaha xayaysiinta ee warbaahinta, waxayna codsatay xukuumaddu deganaansho kadib warbixinno la xidhidiha takoorista iyo dhibaataynta shisheeyaha oo laga soo sheegayo halkaa.

Sidoo kale, Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch, waxay Xukuumadda Ethiopia ku amaantay iskaashi ay la sameysay hay’adda Jack Ma Foundation si ay gacan uga geysato qeybinta qalabka xidhmooyinka ah ee baadhista coronavirus, waxyaabaha laga xidhto ee Wejiga iyo gamcahaga oo ku habboon difaaca, iyadoo Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed uu maaraynayo saadka iyo qeybinta sahaydan 54-ka waddan ee qaaradda Afrika.


“Laakiin helitaanka macluumaad waqtigiisu saxan yahay oo sax ah waa lama huraan waqtiga qalalaasaha, gaar ahaan maadaama Ethiopia aannay haysan kaabayaal ay kula tacaasho cudurka faafa ee Coronavirus ka mid yahay.

Helitaanka biyo nadiif ah iyo fayadhowr ayaa ku yar gudaha Ethiopia. Daacuunka iyo dillaaca jadeecada ayaa ah halista joogtada ah ee caafimaadka bulshada, iyo saamiyada bukaan-jiifka ee dhakhaatiirta sarreeya waxay macnaheedu tahay in dhakhaatiirtu aannay awood u lahayn inay u debecsanaadaan qof walba. Fayriska cusubi wuxuu halis ugu jiraa inuu ku kordhiyo cadaadis weyn nidaamkii caafimaad ee horey u xannibnaa.” ayay tidhi, warbixintaa oo ay diyaarisay haweenayda Laetitia Bader oo ah Baadhayaasha Sare ee Human Rights Watch u qaabilsan Qeybta Afrika.

“Kuwa mudnaanta u leh Idaacadaha iyo telefishanka ayaa maqli kara halista coronavirus, laakiin si faah-faahsan ugama ay hadlaan. Diidmada dowladda ee soo celinta Taleefanka iyo marinka shabakadaha dhanka Internetka, waxay u badan tahay in macluumaadka muhiimka ah aannu galaynin qof walba, oo ay ku jiraan kuwa muhiim u ah xakamaynta dadaallada ka socda galbeedka Oromada – shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo ururada samafalka.

Waa wax lagu amaano in Abiy uu mas’uul ka yahay maaraynta dadaalka ka hortagga Coronavirus ee qaaradda Afrika, laakiin waa in aannu iska indho tirin baahiyaha ka jira waddankiisa.” ayaa lagu yidhi, warbinta Laetitia Bader. Senior Researcher, Africa Division Follow @LaetitiaBader. Laetitia Bader has worked as the Horn researcher at Human Rights Watch.