Araweelo News Network

Muktar robow abu mansor

Geneva (ANN)- Hay’adda caalamiga ah ee u doodda xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch, ayaa ku baaqday in la baadho dembiyadii uu galay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur muddadii uu ka mid ahaa madaxda ugu sarreeya xoogagga Al-shabaab ee ka dagaallama dalka Soomaaliya.

 

Mukhtaar Roobow iyo dagaalyahanno daacad u ah oo ka goostay Al-shabaab, ayaa isu dhiibay dawladda taagta daran ee Soomaaliya maalintii Axadda ee toddobaadkan,  kadib markii weerraro marar dhawr ay Al-shabaab ku qaaday, iyagoo doonayay in ay gacanta ku dhigaan Rooboow oo baxsad ahaa dhawrkii sanadood ee u danbeeyay.

 

Mrs. Laetitia Bader oo ah cilmi-baadhe sare oo ka tirsan hay’adda Human Rights Watch oo warbaahinta la hadashay maanta, ayaa sheegtay inay sharciyada caalamiga mamnuuc ka tahay in magangelyo la siiyo dadka gala dambiyada waaweyn ee dhanka ka ah xuquuqda bani’aadamka, waxaanay maamulka Muqdisho ka dalbatay inay baadhaan xadgudubyada uu geystay Roobow intii uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha kooxda Al-shabaab.

 

Waxa ay sheegtay in Mukhtaar Roobow door hoggaamineed ku lahaa weerarro khasaare nafeed dhaliyey oo xoogagga Al-shabaab waqtiyo kala duwan fuliyeen, carruur lagu qasbay in la askareeyo iyo tacadiyo kale waxyeello ballaadhan loogu geystay dad badan oo aan waxba galabsan.

 

“Waxa loo baahan yahay in dawladda Soomaaliya baadhitaan ku samayso doorkii Roobow ku lahaa xadgudubyadii Al-shabaab geysteen, isla markaana xaqiijiso kuwii ka dambeeyey tacadiyadii foosha xumaa ee kooxdaasi ku kaceen kuwa aan awoodda u lahayn inay ka baxsadaan caddaaladda,” ayey tidhi masuulka ka tirsan hay’adda Human Rights Watch.

 

Mukhtaar Roobow oo markii ugu horreysay saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho oo lagu hayo maalintii Salaasada, ayaa sheegay inuu ururka A-shabaab ka baxay 5 sanno ka hor oo uu gooni joog ahaa.

 

Dhinaca kale, xukuumadda Mareykanka ayaa ku ammaantay dawladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya ku ammaantay fududeynta iyo isa-soo dhiibidda hoggaamiyihii hore ee xoogagga Al-shabaab, Mukhtaar Roobow Abuu Mansoor.

 

“Dawladda Mareykanka waxa ay taageereysaa nidaamka dawladda Soomaaliya waddo oo ah bahdilka saamaynta Al-shabaab oo ay ka mid tahay isa-soo dhiibidda hogaamiyaasha sar-sare ee kooxdaas.” Sidaa waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ee shalay.